Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee Galgala.
Wararka ka imaanaya gobolka bari ee Soomaaliya ayaa tilmaamaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Galgala.
Ugu yaraan 15 madfac ayaa gudaha ugu dhacday saldhiga ciidamada maamulka Puntland, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare kala duwan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala buuraleyda Golis ayaa waxay halkaas ka hurinayaan dagaal adag oo ay kula jiraan ciidamada maamulka Puntland oo kamid ah maamullada ku daaban Itoobiya iyo Maraykanka.