Nin Soomaali Ah Oo Lagu Gubay Gudaha Dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalkaas lagu gubay nin Soomaali ah.

Muuse Sabriye oo ahaa mid kamid ah Soomaalida ku nool gobalka Minasota ee dalka Mareykanka ayay kooxo xagjiriin ah ku dhex gubeen gaarigiisa.

Falkaan lagu gubay Muuse Sabriye oo ahaa 35 jir ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo dhacdooyinka isir neceebka ah ee ay gaalada caddaanka Mareykanka ku hayaan Muslimiinta iyo dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin kala duwan dhacdadaan ayaana eheyd middii ugu horreysay ee lagu beegsado dadka Soomaalida ah, waxaana horey gudaha Mareykanka dilal loogu geystay dad Soomaali ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.