Qarax Geystay Khasaaroyin Kala Duwan Oo Ka Dhacay Dalka Yeman.

Inta badan 10 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqotay qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday sarkaal sare oo katirsan ciidanka amniga ee dowladda Yeman, xilli ay marayeen meel u dhow magaalda Cadan ee koonfurta Yemen, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Qaraxa oo ahaa miino islamarkaana haleelay gaari kamid ah kolonyada la beegsaday ayaa si gaar ah kaga dhacay degmada Khormaksar ee toostagta magaalada Cadan ee dalka Yeman.

Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ayaa waxaa si dirqi ah kaga badbaaday agaasimaha amniga gobolka Laxaj sarreeye guuto Saalax As-sayid, oo sida la sheegay ahaa bartimaameedka weerarkaan balse waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar badan oo katirsan ilaaladiisa gaarka ah.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaas ku dhintay 4 askari oo katirsanaa ilaalada sarkaalkaan halka sidoo kalena ay ku dhaawacmay 8 askari oo kale kuwaas oo loo qaaday goobo caafimaad oo halkaas ka ag dhaw.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, mana jiro wax hadal rasmi aah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowldda yeman oo la xiriira qaraxan khasaaraha geystay.

Magaaalda Cadan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada golaha ku meel gaarka ah ee imaaraadku taageero ayaa waxaa ka taagan khalkhal dhanka amaanka ah iyadoo uu sii xoogaysanayo khilaafyada ka dhex jira maleeshiyaad daacada u ah dowladda Imaaraadka.

Tan iyo markii kooxda Xuuthiyiinta laga saaray magaalada Cadan bartamihii bishii Luulyo 2015, islamarkaana ay noqtay caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda Yeman waxaa ka dhacay qaraxyo, dilal qorsheysan kuwaas oo lagu u gaarsanayay saraakiisha iyo askarta xukuummadda taagta daran ee dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.