Ruushka Oo Ukraine Ku Eedeeyay Qafaalka Boqallaal Ruux.
Waaxda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada Ukraine ay qafaasheen dad ka badan 350 ruux.
Sarkaal sare oo katirsan waaxda difaaca ee dowladda Ruushka ayaa sheegay in 367 ruux lagu qafaashay jagboontinyo yiilay magaalooyinka Danibar iyo Zabarojiya ee dalka Ukraine.
Waxa uu sheegay in laga soo billaabo 1-da bishan June illaa 16-keeda la qafaashay dadka intaa la’eg, kuwaas oo aan la ogeen halka jaan iyo crib lala aaday, waxaana dadkaas ku jira haween iyo dad dhallinyaro ah.
Sarkaalkaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay dadkaan ka qafaasheen magaalooyinka aan soo sheegnay, isagoo intaa sii raaciyay in la beegsanayo muwaadiniinta lagu tuhun san yahay inay taageersan yihiin dowladda Ruushka, ama ay dhaleeceynayaan nidaamka xukuumadda Kiev, kuwaas oo lala aado meel aan la garaneyn.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ciidamada Ukraine aysan ilaalineyn nabad galyada dadka ku nool 5-ta magaalo ee ay ka socdaan dagaallada ugu culus, kuwaas oo uu sheegay inay qatar ku hayaan nolosha bulshada, xilli kumannaan dad ah ay isaga barakeceen magaalooyinkaas.
Masuuliyiinta wasaaradda difaaca ee xukuumadda Kiev ayaa sheegaya in baahi weyn ay u qabaan sidii gar gaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa goobaha ay iyagu gacanta ku hayaan, si ay waqti ugu helaan inay dib umideeyaan dadka doonaya inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah dowladda Ruushka.