Sawirro: DF oo Heshiis La Gashay India oo Dhawaan Caaysay Nabiga SCW.
Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo dhaweyn diirran ugu sameysay wafdi ka socda dowladda dalka Hindiya.
Wafdigan ayaa kala ahaa safiirka Hindiya ee Soomaaliya Virander Paul iyo Ku xigeenkiisa oo ka wakiil ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Om Birla, waxaana si gaar ah ula kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Aadan Madoobe.
Wada sheekeysi dheer kadib, gudoomiyaha Baarlamaanka DF ayaa wufuuda dalka Hindiya u saxiixay dhowr qodob, waxaase saxaafadda lala wadaagay 4 qodob oo kaliya kuwaasoo ay kamid yihiin: in Hindiya ay DF ku taageerto iney dalkeeda ku daweyso Xildhibaanada iyo ciidamada DF ee aan dhaawacyadooda dalka wax looga qaban karin, laakin heshiiska laguma soo qaadin waxa Hindiya looga badashay qodobadaas.
Wafdiga Hindiya ayaa ka qeyb gali doona caleema saarka Xassan Sheekh Maxamuud oo uu haddaba diyaar garowgiisa ka socdo Madaxtooyada.
Dhawaan ayay ahayd markii mas’uul ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Hindiya uu si bareer ah u aflagaadeeyay Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasalam, waxaana la yaab leh in DF ay si diirran usoo dhaweyso kuwii falkaasi ku kacay.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii April hambalyo diirran u diray madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron isagoo uga tahniyadeeyay dib u doorashadiisa, xilli Faransiisku ay safka hore uga jiraan aflagaadeynta lagu hayo Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam.