Sawirro: Madal Cilmiyeed Kor Loogu Qaaday Wacyiga Haweenka oo Lagu Qabtay Sh/Hoose.

Wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, maktabkeeda Tarbiyada iyo Tacliinta ayaa soo gabagabeeyay madal cilmiyeed kor loogu qaadayay wacyiga haweenka oo muddo 7 maalmood ah si xiriir ah uga socotay degaanka Kuunyobarrow.

Madashan ayaa waxaa duruus ka bixiyay culimo iyo aqoonyahanno dhowr ah, waxaana ka faa’iideystay boqollaal haween ah oo u badan hooyooyin islamarkaana ku nool degaanka. Duruustii lagu qaatay waxaa kamid ahaa islaaxinta guryaha, tarbiyada awlaada iyo kuwa kale oo muhiim ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.