Sirta Ku Jirta Socdaalka Xassan Sheekh Ee Baydhabo. (Warbixin)

Madaxweynaha cusub ee DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay magaalada Baydhabo ku gaaray socdaal horey loo soo shaaciyay oo dhanka hawada ah.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada kusoo dhaweeyay Cabdicasiis Laftagareen oo ah hogaamiyaha maamulka Koofurgalbeed iyo xubno kale oo shaqaalaha maamulkaasi u badan.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa isku gedaamay ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay iney sugayeen ammaanka, laakin sidii lagu yaqiinay kama aysan qeyb qaadan soo dhaweynta Xassan Sheekh maadaama uusan wali wax la meel dhigin Abiy Axmed.

Socdaalka Xassan Sheekh ee Baydhabo ayaa lagu tilmaamay mid ujeedo badan ah, waa midda koowaade wuxuu doonayaa inuu xiriir lasoo sameysto C/casiis Laftagareen oo ah nin halkaasi geeyay Farmaajo islamarkaana daacad u ah.

Wuxuu sidoo kale xarigga ka jarayaa qasri yar oo uu Baydhabo ka dhistay Laftagareen kaasoo ah qasrigii sadaxaad, horey wuxuu laba daarood uga dhistay Baydhabo iyo Xudur.

Xassan Sheekh ayaa xalay Baydhabo kula kulmay odayaasha la shaqeeya Laftagareen iyo siyaasiyiin, wuxuuna intooda badan ka codsaday iney ka qeyb galaan xaflad caleema saar ah oo uu ku sameysanayo madaxtooyada Muqdisho.

Siyaasiyiintu waxay aaminsan yihiin in Xassan ay heystaan laba daran mid dooro, waa midda koowaade, inuu aqbalo cadaadis uga imanaya siyaasiyiin ku sugan Baydhabo islamarkaana ka dalbanaya haddii uu wada shaqeyn doonayo inuu soo daayo Mukhtaar Roobow oo ay xabsiga dhigeen saraakiisha Itoobiya iyo Farmaajo, cadaadiska labaadina wuxuu yahay Laftagareen oo shuruud uga dhigay inuusan soo deyn Mukhtaar Roobow siyaasiyiinta Baydhabo ee uu xilalka u magacaabayana uu isaga kala tashado, haddii uu doonayo wada shaqeyn.

Lama oga inuu labadaas middood u bareerayo iyo inuu siyaasad laba wajiile-nimeysan la cayaarayo Cabdicasiis Laftagareen oo ah nin uusan aamini karin maadaama ay saaxiibo isku dhow ahaayeen Farmaajo oo uu dagaal siyaasadeed ba’ani wali ka dhaxeeyo.

Hogaamiyaha Koofurgalbeed ayaa haatan taageero weyn ka heysta Janaraalada ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo, xataa waxaa suura gal ah in Itoobiya ay culeys ka saarto dhanka Koofurgalbeed, haddii uusan dhankiisa kasii dhammeystirin heshiiskii uu Farmaajo afarta dekedood ugu saxiixay Abiy Axmad, ra’iisulwasaaraha Itoobiya.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.