Toogasho Markale Ka Dhacday Gudaha Dalka Mareykanka Iyo Khasaare Ka Dhashay.

Dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay weerar toogasho ah oo geystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac

Sida ay warantay warbaahinta Mareykanka ugu yaraan 1 ruux  oo Ameerikaan ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 10 kalena waa ay ku dhawacmeen toogasho wadareed ka dhacday xaafad katirsan magaalada New York.

Sarkaal ku hadlay waaxda Booliska New York ayaa xaqiijiyay dhimahsda 1 qof iyo dhaawaca 8 kale oo isugu jira  rag ah dumar kadib weerar toogasho ah oo lala beegsaday tiro dad ah oo waddada marayey kuwaas oo ka soo baxay goob xaflad ay ka dhaceysay oo ku taalla xaafadda Harlem ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ruuxa ku dhintay toogashada uu ahaa wiil 21-sano jir ah, kaas oo dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa isla markaana ay nafta ka baxday markii la keenay Isbitaalka.

Sida ay shaacisay warbaahinta Mareykanka, bastoolad ayaa laga helay goobta ay ka dhacday toogashada, iyadoo boolisku aysan u suurtagelin inay soo qabtaan dad looga shakisan yahay weerarkaan khasaare geystay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii toogasho ka dhacday magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 4 ruux, iyadoona sanadkan oo kaliyah gudaha dalkaas laga diiwaan geliyay ugu yaraan 255 toogasho, kuwaas oo ay galaaftay nolasha boqolaal qof oo Ameerikaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.