Xassan Sheekh oo Is Karaantiilay Kana Qeyb Gali Waayay Xafladda 26ka June. (Warbixin)
Madaxweynaha DF, Xassan Sheekh Maxamuud oo laga helay cudurka Covid19 ayaa karaantiil ama go’doomin isku sameeyay, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo uu muddo 6 cisho ah uga maqnaa safar dhanka dibadda ah.
Iskaraantiiliddiisa ayaa waxaa si rasmi ah loo ogaaday kadib markii uu habeenkii xalay ka qeyb gali waayay munaasabad ka dhacaysay madaxtooyada gudaheeda oo dad ka badan 100 qof ay isugu imanayeen, waxaana afkiisa ku hadlay gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamad Nuur (Madoobe)
Wuxuu sheegay in Xassan Sheekh uu goobta u iman waayay xanuunka haya dartiis, laakin wuxuu tilmaamay in xaaladdiisu aysan adkayn, balse uu ka baqay haddii uu munaasabadda kasoo qeyb galo in uu Viruska ku faafo dadka kale.
“Caafimaadkiisa hadda aad ayuu u fiican yahay, waxaa laga yaabaa marka uu hadda munaasabadda ka maqnaado dadka inay u arkaan madaxweynaha waaba soo kici waayey tacbaan waayey ma’aha laakiin isaga oo isleh bulshada Soomaaliyeed ee aad mas’uulka u tahay, maadaama cudurkaan saanqaadkiisa uu fudud yahay inuu isaga maqnaado ayuu go’aansaday,”sidaasi waxaa ku nuuxnuuxsaday Aadan Madoobe.
***
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu madaxtooyada ka dagay qol gaar ah, askarigii Uganda u dhashay ee sida gaarka ah u ilaalinayay qolkiisa ayaa difaac ka sameystay meel ka baxsan halkaas, si uusan u qaadin xanuunka, sidoo kale waxay isaga iyo madaxda kale ee DF ku wada xariirayaan khadadka isgaarsiinta.
Illaa iyo hadda waxaan la ogeyn halka uu Xassan Sheekh cudurkan ka qaaday, xogaha qaar waxay sheegayaan in uu xanuunkan ka qaaday ciidamada shisheeye oo uu si joogto ah ula kulmayay saraakiishooda, xilli horey loo shaaciyay in xerada Xalane oo soo gaaray xanuunka Covid19. Warar kale waxay sheegayaan in uu cudurka kasoo qaaday dalka Imaaraatka carabta oo uu muddo ku dhow usbuuc ku sugnaa.
Xanuunka ayaa wuxuu sidoo kale asiibay qaar kamid ah wafdigii isaga la socday, lamana shaacin magacyadooda. Xarunta madaxtooyada ee Muqdisho ayaa waxaa yaalla qalabka dadka hawada lagu siiyo marka uu ku dhoco cudurkan, islamarkaana ay sambabadu xirmaan, waana qalab loogu tala galay in si guud bulshada loogu badbaadiyo, hase ahaatee ay madaxtooyadu kusoo qaadatay hab ku takri fal iyo musuqmaasuq ah.
Illaa iyo hadda lama saadaalin karo heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka Xassan Sheekh, Cudurkan ayaa wuxuu horey ugu dhacay madaxda dalal kale, qaarkood waa ay u geeriyoodeen halka kuwa kale ay ka bogsadeen.
Dadka ugu caansan Soomaalida ee durayga u dhintay waxaa kamid ah Nuur Xassan Xuseyn (Nuur Cadde) iyo Cali Khaliif Gallayr oo labaduba ra’iisulwasaare kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ee ay kala hogaaminayeen Cabdiqaasim Salaad Xassan Iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmad.
***
Haddaba iyadoo madaxtooyada Muqdisho iyo madaxda DF dibadda soo dhigayaan xogta ku saabsan jirrada Xassan Sheekh, ayaa haddana waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in arrinta xanuunka ay waxba kama jiraan tahay, laguna qarinayo muddo 6 maalmood ah oo Xassan Sheekh la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay kadib markii uu tagay Imaaraadka, waxaana soo baxaya laba war oo isku dhow, midkood wuxuu sheegayaa inuu socdaal qarsoodi ah oo habeen dheelmad ah ku aaday dhulka ay Yahuudu heysato gaar ahaan Talaabiib, halkaasoo uu kula soo kulmay ra’iisulwasaaraha Yahuuda iyo saraakiisha sirdoonka Musad, xogta labaadna waxay tibaaxaysaa in uu isla gudaha Imaaraadka kula kulmay saraasha Yahuuda.
Si arrimahaasi xasaasiga ah loo daboolo loogana hor tago in ay dadka Soomaaliyeed kacaan ayaa sheekada loo badalay in Xassan uu la il daran yahay cudurka Covid19, nin xog ogaal ah oo aad ugu dhow DF islamarkaana magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa sheegay in uu xaqiijinayo in Xassan uu lasoo kulmay madax Yahuud ah, cudurkana sida loo badinayo uu ku dhacay maalmihii dambe ee uu kasoo tagi rabay Imaaraatka.
Waxaa dadka shaki badan ku abuuray sida uu Xassan ula soo booday inuu xanuunsan yahay, xilli afartii sano ee hore ee uu Madaxweynaha ahaa uu qarin jiray xanuunkiisa, lagana war heli jiray isgoo jiifa Isbital ku yaalla wadanka Turkiga, waxaana la is weydiinayaa sababta uu barihiisa ugu soo daabacay warka ku saabsan inuu qabo cudurka halista ah. Madaxda caalamku waxay leeyihihii dhaqaatiir gaar ah oo mararka qaar la wareysto, laakin Xassan Sheekh ma laha dhaqtar gaar ah oo xaaladdiisa wax laga weydiin karo.