5 Askari oo ka tirsan Ciidamada DF oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen Baladweyne & Afgooye.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta laba hawl gal ka fuliyay degmooyinka Afgooye iyo Baladweyne oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.
Hiiraan haddaan ku horreyno, waxaa ka dhacay hawl gal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, iyagoo beegsaday askari ka tirsan ciidanka DF oo magaalada laga garanayay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga sii jeed loo toogtay islamarkaana lagu shannaqay rasaas dhowr ahi, taasoo keentay in uu durbadiiba goobta ku dhinto.
Intaasi kadib ciidamadii hawlgalkan fuliyay ayaa askariga ka furtay qorigii uu watay kadib markii ay xaqiijiyeen geeridiisa. Askarigan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Indho-xaraar.
Dhanka degmada Afgooye-na waxaa ka dhacay weerar qarxin ah oo loo geystay ciidamo kamid ah kuwa DF, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay 1 askri, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale. Hawlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ah kuwa isdaba joog ah iyagoo beegsanaya shisheeyaha iyo ciidamada ay isgarabsadaan ee DF.