5 Qof Oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Toogasho Ka Dhacday Faransiiska.
Wararka ka imaanaya wadanka Faransiiska ayaa tilmaamaya in weeerar toogasho ah oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu xalay ka dhacay gudaha dalkaas.
Mas’uuliyiinta dowladda dalkaas ayaa ku dhawaaqay in ugu yraan 5 ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqday toogasho ka dhacay magaalada Paris ee caasimdda wadanka Faransiiska.
Sida uu xaqiijiyay Duqa magaalada Paris hal ruux ayaa ku nafwaayay 4 kalena waa ay ku dhasawacmeen toogashadaan oo si gaar ah kaga dhacaday gudaha baar lagu caweeyo oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi.
Afhayeen u hadlay booliska magaalada Paris ayaa tilmaamay in laba ruux oo hubeysan ay rasaas aan kala sooc laheyn ku fureen dad ku sugnaa baarka, wuxuuna intaas raaciyay in mid ka mid ah ragii weerarka geystay gacanta lagu dhigay, halka kii labaadna uu goobta ka baxsaday.