Al-Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxii Lagu Dilay Xasan Lugbuur.
Qarax shalay duhurkii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada wasiir katirsanaa maamulka Koonfur galbeed iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.
Xasan Lugbuur oo ahaa wasiirkii cadaaladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baydhabo.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ay mas’uul ka ahaayeen dilka wasiirka iyo qaar kamid ah xubnihii la socday.
“Qarax ka dhacay Baydhabo waxaa lagu dilay wasiirkii Cadaalada Koonfur galbeed Xasan Lugbuur iyo 3 illaaladiisa waxaana lagu dhaawacay 3 kale oo katirsanaa ilaalada wasiirka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.
Dabayaaqadii Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Cabdullahi Gaafow oo ahaa mas’uul sare oo katirsanaa maamulka Laftagreen lagu khaarijiyay camaliyad naf hurnimo ah oo ka dhacay magaalada Marka ee xarunta Sh/hoose.