Amiirka Imaarada Islaamiga Ah Oo Ka Qeyb Galay Kulan Ka Dhacay Magaalada Qandahaar.(Warbixin)

Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa soo gaba gabeysay kulan balaaran oo lagu qabtay magalada Qandahar, kaas oo ay kasoo qeyb galen dhamaan wulaada gobolada, qaar katirsan golaha waziirada iyo culimada Musliminta ah ee kudhaqan mandiqada, waxaana kasoo qeyb galay Amiirka Mu’mininta Sheikh Mowlawi Hebatulah Akhonzadah, isagoo madasha ka jeediyey kalimad muhiim ah, oo u badneyd dardaran ku socdo Masuliyinta kala duwan ee dowlada Islamiga ah.

Kulanka oo la qabtay Malinki arbacada, ayaa lasoo gaba gabeeyay galabki khamista ee lasoo dhaafay, wuxuuna ka dhacay hool weyn oo ku yaala magalada Qandahar, kaas oo loo diyaariyey si heer sare ah, waxaana la isku dhaafsanayay afkaar kala duwan oo ku saabsan qaabka loo hir galin karo dowlad Islami ah oo awood leh, taas oo ay u dhameystiran yihin dhamaanba kaabayasheeda.

Culimada Afghaniyinta ah oo ay Imaaradu si gaar ah u qadariso ayaa madasha ka jeediyey kalimad dhowr ah, oo ay kaga hadlayen ahmiyada ay leedahay dacwada, tababarka, u garab raaricinta bulshada iyo waxyaabo kale, waxa ayna ku dardarmen in cadalada lagu dadalo, si heer looga gaaro nidaamka ka dhisan wadankaasi.

Kulanka oo socday laba maalin, ayaa soo dhamaday galabki khamista, xubnihi kasoo qeyb galay ayaana gabi ahanba isku raacay ahmiyada uu leeyahy nidamka Islamiga ah, difaacidiisa iyo in naf iyo maalba loo huro sidii lagu badbadin lahaa ruuxda, maalka iyo cirdiga bulshada, arimahan oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo farad yeelay jihaadka.

Gaba gabadi kulanka Amiirka Mu’mininta ayaa soo jeediyey talooyin dhowr ah iyo Dardaarano ku socda wulaada iyo dadka Masuliyinta ah, wuxuuna ugu horeyn ku bilaabay inaan Dowlada Islamiga ah ee hada jirto lagu keenin awood ciidan, balse lagu helay fadliga alle, kadib mashaqo dheer iyo dhiig badan oo ay bixiyen culimada, ardayda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, mirahaas oo mudan in dadal dheeri ah lagu bixiyo sidii aanu faraha uga bixi laheyn, sii jiritankiisana loo baahan yhy in la iska kaashado.

Sheikh Mowlawi ayaa mar kale ku celiyey in laga digtoonaado dhagar qabayasha beenta ku dhex faafinayo shacabka reer Afghanistan, iyagoo adegsanaya warbahinta iyo baraha internetka, kuwaas oo bulshada u shegaya in Nidamka hada jiro uusan ka duwaneyn kuwii hore, hadafkoodana uu yhy boobka hantida, isagoo carabka ku dhuftay in Jihaadki ay la galen tobananka dowlad ee gumeysiga la rabay dalka uusan aheyn, inay mansab ku gaaraan iyo maal aduunyo, balse uu ahaa amarkii alle oo ay ajiibeen, taasna ay keentay inay jihaad calami ah la galan Isbaheysiga NATO ee ay hor boodeysay dowlada Mareykanka.

Amiirka Daliban oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, Jihaadka reer Afghanistan wuxuu jirsaday 40 sano oo xiriir ah, bulshaduna ma daremin wax dacfi ah ama quus ah, balse waxa ay dhalinyarada iyo shacabkaba iska kaashanayeen sidii loo sii wadi lahaa xitaa hadii uu sii socdo 40 kale, ilaa marka danbe cadowga islamka jab dusha loo saarayo, dhulalka Muslimintana ay ka baxayaan iyagoo duleysan.

Mar uu la hadlayey Wulaada ayuu yiri, Walalayaal anagu ma nihin Xukaam iska fariisto qasriyada, lkn waxaan nahay kuwa u khidmeya diinka alle iyo shacabka, waxaana nagu waajib ah inaan gudano waajibka dacwo ee saaaran dushena, Amiirkuna xaq uma laha inuu ku tasarufo waajibadka iyo Muxramadka, waxa kaliya ee noo furan ayaana ah, inaan dadka ugu yeerno xaqa, baadilkana aan ka hor istaagno.

Anaga ahaan waxaa dooneyna in la dhaqan galiyo sharecada islamka, iyadoo aan la kala qaadin, dhaman dadka Masuliyinta ahna waxa ay ku amran yihin fulinta sharecada, iyagoo aan cidna u eexan, halka sidoo kalena ay naga mamnuc thy, inaan wax kasoo qaadno qawaninta wadciga ah ee ay dagsadin basharka, taas oo aan marnaba ka socon doonin dalka Afghanistan, qaanunka kaliya ee la ogol yhy ayana ah buu yiri amiirku, fulinta sharecada Islamka iyo arkaanteeda, taas oo ah mida laga doonayo Wulaada inay ku hogamiyan shacabka ku dhaqan wadankaasi.

Talada maamulka ee Imarada Islamiga ah waa inay ka qalin daarata wax uu allah raali ka yhy, waa inay xaraf xaraf u fulisa axkaamtiisa, iyadoo laga dheeranayo rabitanka bulshada, hawada, iyo u dhagraaricinta kuwa doonaya dimuquradiyada, wuxuuna Masuliyinta ku yiri, Iska jira inaad duleysatan dadka waaweyn, cilimada iyo indheer garadka, ogaadana qofki duleysto midka sharafta leh, allah ayaa isagana duleynaya.

Si gaar ah Sheikh Mowlawi Hebatulah ayaa ku dardarmay in ixtiram gaar ah la siiyo laamaha garsoorka, in la garab qabto, in loo fidiyo waxyaabaha ay u baahan yihin, in iyaga laga tusaale qaato marka ay arintu taagan thy dhex dhexadinta bulshada, halka sidoo kalena loo baahan yhy in si hal haleel ah loo fuliyo qararadka iyo Axkaamta ay kasoo saarayaan dacwadha la hor keenay.

Intaas oo kaliya kuma siman amiirku, balse wuxuu soo hadal qaaday xiriirka ka dhexeyo wilaayadka, taas oo uu shegay in loo baahan yhy in isku xirkooda uu ahaado mid xeel dheer, ayna iska kashadan arimaha amniga, dacwada, iyo arimaha bulshada, wuladi xaadirka aheyd ayuuna ku yiri, waxaa laazim ah in dhexdiina laga helo ciqaalaad wanagsan iyo iskaashi, si ay dowladani horumar u gaarto.

Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, waxaan ka dardarmaya dumarka laga shahiiday iyo caruurtooda, agoonta qaba baahida weyn ee ku dhaqan dhamanba gobolada, dadka naafada ah iyo duqowda, waxaana wazaradaha kala duwan laga doonayaa buu yiri, inay u qoran mishear billle ah, oo dabooli kara baahiyadooda, si aysan ugu baahan dadku inay dariqyada ka dawarsadan, daahiradan oo noqotay mid ku badan dariqyada dalka Afghanistan, taas oo la doonayo in si degdeg ah wax looga qabto.

Mar uu la hadlayey wulaada ayuu yiri, wazaaradi ka cabaneyso inaany heysan kaalmo dhaqale oo ku filan, waxaa laga doonaya inay warbixinteeda billaha ah kusoo darto duruufaha jiro iyo qaabka wax looga qaban karo, waxaana idiin balan qaadaya, inaan la garab istaagi doono kaalmo dhaqaale inta ay u baahan yihin.

Caruurta agoonta ah ee uu ka dardarmay sheikha kuma sina ilmaha shuhada, balse wuxuu soo hadal qaaday caruurti ay dhalen askarti ka tirsana maamulki hore ee laga ceyriyey xukunka, kuwaas oo uu shegay inay qeyb ka yihin bulshada muslimka ah, masuuliyadna ay ka saran thy imaarada, Masuliyinta ayuuna ku yiri, gacantiina raxmada leh ha gaarto guryahooda, xitaa hadii aydaan u awoodin maal, waxaa ku filan inaad si naxariis leh madaxa uga salaxdan, sidaba ku sugnatay Axadithta Nabigena Muxamed SCW.

Waxyaabihi uu soo hadal qaaday amiirka waxaa ka mid ahaa, in la xidida siibo qabyaalada iyo jahliga ay xambarsan thy, culimada iyo imaamyada Masajida ayaana laga doonaya buu yiri, inay dadka ka dhigan Muthaqifin ayna fahamsiyan faaidoyinka uu leeyahy Nidamka Islamiga ah iyo kala danbeynta, si ay dadku uga dhex baxan qabaliyada, quruxka iyo is yasitaanka ka dhex jiro, arinkaaso oo halistiisa xambaarsan/.

Sidoo kale waxyaabihi uu ka hadlay amirka Daliban waxaa kamid ahaa xuquuqda dumarka, kuwaas oo uu shegay in loo ogol yhy wixii ay sharecadu u fasaxday, sida waxbarashada, inay ka adegtan suuqyada, iyo wixii lamid ah, isagoo mesha ka saaray hadal heynta warbahinta reer galbedka, taas oo ku doodeysa inaysan jirin wax xuquuq ah oo dumarka loo ogol yhy, arinkaas oo ah mid soo jiren ah, balse xaqiiqdu ay dhulka ku dartay, kadib marki la furay madaris loo gaar yeelay dumarka, kuwaas oo ka hir galay inta badan gobolada wadankaasi.

Intii aan lasoo afjarin kulanka, Sheikh Siraajudiin Xaqaani oo ah waziirka arimaha gudaha ee Imarada ayaa hadal kooban jeediyey, isagoo tacsi u diray culimo waaweyn oo ku geeriyoday dalka Afghanistan, kuwaas oo uu shegay in qaarkood ay dilen koxo dhagar qabayaal ah, oo doonaya inay Fitno ka dhex aburan bulshada, wuxuuna ku dardarmay in feejignan dheri ah la qaato, la iskana kaashado siidii lagu sugi lahaa amniga gudaha iyo kan dibada ee wadanka Afghanistan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, Laamaha amniga dadalka ay bixinayan waa mid sareyo, waxaana gacanta lagusoo dhigay boqolal qof oo lagu qabtay falal kala duwan, sida tahribinta hubka iyo maandooriyaha, dhaca iyo boobka hantida, afduubka iyo arimo kale, dadkan oo dacwadahooda la geeyey maxkamadaha, ayaana sugaya in xukuna kala duwan lagasoo saaro.

Waa kulanki 3aad ee uu ka qeyb galo amirka Imarada Islamiga ah ee Afghanistan, dhawaan ayayna aheyd marki uu safar ku tagay magalada Kabul, halkaas oo lagu qabtay Kulanki Culimada oo ay kasoo bexen qodobo muhiim ah, beycana ay amirka kula galen in ka badan 3500 oo culimo ah, masuliyin, oday dhaqamed, ganacsato iyo xubno matalayey bulshada, waxyaabaha ugu badan ee loo arinsanayo kulamada ayaana ah, sidii dhidibada loogu adkeyn lahaa, Nidaamka Islaamiga ah ee ka dhaqan galay wadankaasi.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta Amiirka Imaarada Oo Ka Qeyb Galay Kulan Ka Dhacay Magaalada Qandahaar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.