Askar katirsan QM Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Waqoojiga Dalka Maali.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Maali qarax xooggan ayaa haleelay gaari gaashaaman oo kamid ah kolonyo ciidan oo ku sodaalaysay waqooyiga dalka Maali, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka kordhaca ah ee laga helayo halkaas ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidanka Qaramada Midoobay ay ku nafwaayeen qaraxaasiو halka 5 kalena dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.

Sarkaal katirsan howlgalka MINUSMA ee Qaramada Midoobay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa wakaalladda wararka ee AFP u sheegay in labada askari ee ku dhintay qarax ay u dhasheen dalka Maser, kuwaas oo qeyb ah duulaanka shisheeyuhu ku qaaday dalka Muslinka ah ee Maali.

Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Maali ayaa cambaareeyay weerarka lagu beegsaday askartooda, isagoo ku andacooday in falkaasI uu noqon karo dambi dagaal marka loo eego waxa uu ugu yeeray sharciga caalamiga ah.

Balse shisheeyaha ayaa iska indha diraya tacadiyada joogtada ah oo ay askartooda u geystaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan dalalka ay duulaanka military ku qaadeen, iyaga oo ku ganbanaya waxay ku sheegeen nabad ilaalin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.