Biyo La’aan & Xaalado Adag Oo Laga Soo Sheegayo Kaamka Ar-Rukbaan Ee Dalka Suuriya.(Warbixin)
Kaamka ArRukbaan ee ku yaalla dalka Suuriya waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin daran, kuwaas oo ay wajahayaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool halkaas, xilli biyo la’aan baahsan ay ka jirto gudaha kaamka, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha barakacayaasha.
Waxaa gabi ahaanba faaruq ah haamihii ay biyaha kujireen, kuwaas oo ay ku noolaayeen dadka barakacayaasha ah, waxaana soo haray oo kaliya biyo yar, kuwaas oo aan cabitaanka ku wanaagsaneyn.
Xamlo xagga Inaternetka ah oo biyo loogu dalbayo dadka baracayaasha ah ee ku dhibaateysan Kaamka ArRukbaan ayay bilaabeen dadka reer Suuriya, kaamkaan ayaana ah mid go’doon ku jira oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan dalalka Urdun iyo Suuriya.
“Badbaadiya kaamka ArRukbaan” ayay hal ku dhig ka dhigteen dadkaan u istgaatay iney meel dheer gaarsiiyaan xaaladda adag ee ka taagan gudaha kaamka, waxayna dowladda Urdun iyo hey’adaha sheegta inay udoodaan xuquuqda aadanaha ee taabacsan Qaramada Midoobey ku eedeeyeen, iney sheeda sare ka daawanayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhibaateysan halkaas.
Biyo la’aantaan ka jirta gudaha kaamka ayaa waxaa dadka usii dheer heer kulka oo ah mid sare u kacay, xilli kuleyl daran laga soo sheegayo Mandiqadda, waxaana hadda halis wajahaya nolosha kumannaan ruux oo barakacayaal ah, kuwaas oo ku nool kaamkaan go’doonsan.
Hey’adda Unisef ee taabacsan Qaramada Midoobey ayaa dhammaadkii bishii May ee lasoo dhaafay hoos u dhigtay biyii soo gaari jiray kaamkaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in xilligaas nisbada biyaha ee ay barakacayaasha helayeen ay aheyd mid aan ku filneyn dadka ku nool halkaan oo tiradoodu ay kor u dhaafeyso 7500 oo ruux.
Usaama Ash-Shaami waa mid kamid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha baracayaasha ku tabaaleysan kaamka ArRukbaan, waxa dhacaya ayuu ku tilmaamay iney ceyb ku tahay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo Q.Midoobey, oo sheegta inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, isagoona xusay in kumammaan ruuxoo oo barakayaal ah ay hadda khatar ugu jiraan iney geeriyoodaan, sababo ku aaddan biya yarida, cunnada iyo dawo la’aanta ka jirta halkaas, xilli dadka ay waayeen waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka oo ay usii dheertahay xaaldaha adag ee ka jira kaamkaan.
Warbaahinta ayaa gabi ahaanba iska indha tirtay dhibaatada ka jirta halkaan, taas oo keentay in dadka reer Suuriya ay qaadaan xamlo xagga Intener-ka ah oo ay caalamka ku gaarsiinayaan xaaladda adag ee ay la noolyihiin dadka baracayaasha ah, kuwaas oo u baahan biyo, gargaar bini’aadannimo iyo adeegyo caafimaad oo deg deg ah.
Maalmihii lasoo dhaafay dadka ku dhaqan kaamkaan ayaa dhigay dibad baxyo ay ku dalbanayaan in wax uun laga qabto xaaladda cakiran ee ka taagan halkaas, balse ma jirin cid kaso jawaabtay dalabaadkooda, maadaama dadka dhibaateysan ay yihiin dad Muslimiin ah.
Kaamka ArRukbaan ee go’doonsan ayaa ku yaalla dhul saxara ah, azmo weyn oo xagga biyaha ah ayaana hadda ka taagan halkaas, taas oo ay usii dheertay kuleylka jira, abaarihii sannadkaan ku dhiftay caalamka si gaar ahna Mandiqaddaan ayaa sababty, iney guraan ceel biyoodyo badan iyo ilihii ay biyaha kasoo burqan jireen, waxaana meelo kooban oo kamid ah Mandiqadda ku haray biyo yar oo iyana aan la cabi karin maadaama ay qurmeen.
Bishii May ee lasoo dhaafay waxaa kasii dartay xaaladda Kaamka ArRukbaan, kadib markii dowladda Ruushka iyo Nidaamka Nueysiryada ee Bashaar Al-Asad, ay go’doomin cusub saareen kaamkaan, taas oo keentay in raashinka quutul duruuriga ah iyo dawooyinkaba ay ka go’aan barakayaasha xu xareysan xabsigaan.
Tan iyo wixii ka dambeeyay xiliggaas, boqallaal ruux ayaa isaga barakacay kaamkaan oo 55 KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Ximis, islamarkaana dhaca xuduudda ay wadaagaan Urdun iyo Suuriya, waxayna dadkaas u jeheysteen magaalooyinka kale ee dalka, si ay u helaan nolol dhaanta midda ka jira howlka ArRukbaan.
Cabdullaahi Al-Xudeydi waa maamulaha xafiis warbaahineed oo ku yaalla dalka Suuriya, waxa uu sheegaya in 8 qoys oo ka kooban 50 ruux ay maalmihii ugu dambeeyay isaga barakeceen Kaamkaan, kadib markii ay kusii xoogeystey go’doominta lagu soo rogay.
Dadkaas ayuu sheegay ineysan ka bad baadin nidaamka Mujirmka ah ee ka jira dalka Suuriya, islamarkaana uu hogaamiyo dhiigya cabka lagu magacaabo Bashaar Al-Asad, waxayna ciidamada Nuseyriyada ay jeelka dhigeen dadkii isaga soo cararay xabsiga korka ka furan ee ku yaalla xuduudda, tan iyo billawgii sannaadkaan hadda socda ayaana waxaa halkaas isaga cararay 62 qoys.
Al-Xudeydi waxa uu intaas ku daray, in dowladda Ruushka iyo Nidaamka Nuseyriyada ee go’doonka kusoo rogay halkaan ay gabi ahaanba is hor taageen in wax gar gaar ah la gaarsiiyo dadka ku dhiban kaamka, isagoona wlaaac xooggan ka muujiyay xaaladda heysta dadka muslimiinta ah ee ku jira halkaas,
Waxaa intaas dheer sicir barar xooggan oo ku yimid qiimaha lakala siisto raashinka quutul duruuriga ah iyo khudaarta oo iyaduna ku liidatay Mandiqadda, waxayna arrintaan sare usii qaaday xaaladda murugsan ee ay ku nool yihiin Muslimiinta reer Suuriya.
Kaamka ArRukbaan ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2014-ka, waxaana ku jira kumannaan ruux oo ka soo barakacay Magaalooyin dhaca bariga dalka Suuriya, sida Ximis iyo Xammaah, waxaana kaamkaan gacanta ku haya Maleeshiyaad uu tababartay Mareykanka, kuwaas oo dhibaatooyin adag ku haya dadka Muslimiinta ah ee ku jira xabsigaas korka ka feydan.
Waxay kaloo malleeshiyaadka uu tababaray Maraykanka yareeyeen in kaamka Ar-Rukbaan oo ay deganyihiin qoxooti badan oo Suuriyaan ah aaney dhexdiisa ka dhalan jamaacaad hubeysan, oo fulin kara weeraro ka dhaca gudaha dalka Urdun ama beegsada kuwa Maraykanka, maadaama roondo joogta ah ka sameeyaan nawaaxiga kaamka, ayna baaraan dadka galaya iyo kuwa kasoo baxaya intaba.
Dhibaato xoogan oo aan lasoo koobi Karin ayaa ka jirta kaamkan, waxaana jirin wax gurmad ah oo lala gaaray dadkaas tan iyo markii ay halkaas degeen, wixii ka dambeeyay markii Nidaamka mujrimka Bashaar Al-asad uu la wareegay degmooyin badan oo dhaca koonfurta Suuriya, dhibaatooyinkaan oo idil ayaa waxaa sabab ah u ah duullaanka ay Reer Galbeedka iyo Ruushka ku qaadeen dalka Suuriya, musiibadaan ayaana waxaa Muslimiinta reer Suuriya usii dheer duqeymo joogta ah oo kaga yimaada isbahaysiga saliibka ah ee ku duullay dalkaas.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Xaalad Adag Oo Laga Soo Sheegayo Kaamka ArRukbaan Ee Dalka Suuriya.