Ciidanka Al-Shabaab Oo Howlgallo Ka Fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen magaalooyin iyo deegaano ay koonfurta Soomaaliya kaga sugan yihiin ciidamada shisheeye iyo kuwa DF.

Howlgaladan oo isugu jira dilal qorshaysan, qaraxyo iyo weeraro taas ah ayay Mujaahidiintu shalay iyo xalay ka fuliyeen gobolada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Bay, kuwaas oo khasaaroohin nafeed lagu gaarsiiyay shisheeyaha iyo lajirayaashooda Soomaalida ah.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay ciidamada Al-Shabaab ay laba qarax ku beegsadeen fariisimayaal ay askarta DF ku leeyihiin xaafado kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana mid kamid ah qaraxyadaas ku dhaawacmay 1 askari oo katirsan ciidanka DF.

Isla xalay Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weerar fool ka fool ah waxay ku qaadeen fariisinka ciidanka DF ee laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale howlgal gaar ah oo rag katirsan Al-Shabaab ay shalay ka fuliyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku khaarijiyeen askari katirsanaa DF, iyagoona horay uga sii qaatay qorigii uu ku hubeysnaa

Dhanka Shabeelllaha Hoose wararaka ka imaanaya ayaa tilmaamaya in habeenkii xalay ciidamada militariga Al-Shabaab ay weeraro culus ku mireen saldhigyada shisheeyaha heysta deegaanada Laanta Buuro iyo Danow, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Militariga Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale galinkii dambe ee shalay waxay weerar xooggan ku ekeeyeen xerada askarta maamulka Koonfur-galbeed ee loo yaqaano Makuudo kuna taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dhaca koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.