Ciidanka Itoobiya Ee Liyuu Boolis oo Dad Rayid Ah Ku Dilay Ceelbarde.
Malleyshiyaadka Liyuu boolis oo hoos taga taliska guud ee Xabashida Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dad rayid ah ku dilay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Wararka naga soo gaaraya Ceelbarde ayaa ku warramaya in Liyuugu ay qafaasheen tobaneeyo qof, halka qaana ay dil bareer ah u geysteen, sidoo kale waxay kufsadeen qof haweeney ah.
Mid kamid ah dadka ku nool halkaas oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa xusay in malleyshiyaad qamaam ah oo baqdin badan ka muuqato ay mar qura arkeen kuwaasoo dadka ku aflagaadeynaya hadallo af-amxaari iyo afsoomaali isugu jira, waxay jabsanayaan xarumaha ganacsiga iyagoo boobaya hantida dadweynaha.
Ilaha xaqiijinaya xadgudubyada malleyshiyada Liyuu Bolis ee Ceelbarde waxaa kamid ah Maxamed Cabdi Tool oo ah guddoomiyaha gobolka Bakool ugu magacaaban maamulka ‘Koonfur Galbeed’ wuxuu saxaafadda u sheegay in Liyuu Boolisku ay dad badan laayaan halka kuwa kale ay ka barakicinayaan degaankooda.
Liyuu Boolis ayaa u muuqda kuwa jabkii soo gaaray Arbacadii lasoo dhaafay ku qarinaya gumaadka shacabka, waxaa lagu eedeynayaa iney yihiin malleyshiyo lagu ababiyay habdhaqanka Itoobiya, kaasoo ah in laga aar goosto shacabka Soomaliyeed.
Liyuu Boolis ayaa isku heysta iney yihiin Itoobiyaan, waana kuwa mar walba warbaahinta la hor taagan iney difaacayaan calanka Itoobiya.