Dhageyso: Al-Shabaab Oo Weeraro Khasaare Geystay Ka Fuliyay J/Hoose Iyo Bay.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay iyo saakay weerar xooggan ku beegsaday saldhigyo iyo fariisamayaal ay ciiidamada maamula Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalada Jubbada Hoose iyo Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar xooggan kula wareegay fariisinka ciidanka Jubbaland ee halka lo yaqaano Cadayga ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxaana sida la xaqiijiyay weerarkaas lagu dilay 1 askari halka 2 kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale Mujaahidiinta ayaa isla saakay weerar kula jarmaaday saldhig ay ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Sigaleer ee duleedka magaalada Kismaayo, balse faahfaahin kama aanan helin khasaare halkaas lagu gaarsiiyay askarta Jubbaland.

Gobolka Bay gaar ahaan saldhiga ay ciidanka Koonfur-galbeed ka sameysteen duleedka magaalada Baydhabo ayay xalay Militariga Al-Shabaab weerar xooggan ku qaadeen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku  adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Halkaan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weeraradan Ka Dhacay Jubbada Hoose iyo Bay.

Kusoo Biir Channelka Al-furqaan Ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.