Dhageyso Barnaamij Gaar Ah Oo Ku Saabsan Dagaalkii Culsaa Ee Caato.
Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa Barnaamij Gaar ah oo xiiso badan ka diyaarisay weerarkii culsaa ee cagta lagu mariyay maleeshiyaadkii Liyuu Booliska ee haystay deegaanka Caato ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu dilay in kabadan 150 askari oo katirsan Liyuu Booliska Itoobiya.
Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu falaqeyay sida ay halkaas wax uga dhaceen iyo Sawirro laga soo qaaday goobta dagaalka oo uu baahiyay maktabka warfaafinta ee Xarakada AlShabaab, waxaana ka qeyb galaya Wariyaal katirsan Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan, Waxgarad iyo qaar kamid ah dadkii ay horay dhibaatada ugu geysteen maleeshiyaadka Liyuu Booliska iyo ciidanka Xabashida Itoobiya.