Dhageyso Ganacsade Xaaji Abuukar Cadaani oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Sh/Nuur M. C/Raxmaan.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ay haatan da’diisu ku dhow dahay 100 ka sano islamarkaana ay saaxiibo dhow ahaayeen Alle ha u naxariistee Sh/Nuur Macallin Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Sheekha.

Xaajiga oo u waramayay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegay in Sheekh Nuur ay isbarteen muddo hadda laga joogo 41 sano, islamarkaana ay marar badan soo wada shaqeeyeen.

Wuxuu Alle uga baryay inuu jannada Firdowsa geeyo, isagoo dadka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dareenka ay ka muujiyeen geerida sheekhaasi caalimka ahaa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay inuu sheekha ku xasuusanayo waanooyin isaga iyo xanuunadiisa u khaas ahaa oo uusan waligii hilmaameyn, wuxuu sheegay in dad qaraabo la ah ay mar isku dayeen iney ka dhaadhiciyaan inuu tago Muqdisho, laakin uu arrintaasi la yaabay.

Wuxuu tilmaamay in sababtu ahayd, sheekha oo aad u neceb inuu ku noolaado meel ay shisheeye iyo qawaaniin dad samey ah ka taliyaan. Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa xusay inuusan waligii arag wax lamid ah Sheekh Nuur iyo sidii uu diinta ugu dadaalayay. ( نحسبه كذلك ولا نزكي على الله أحداً)

Halkan Ka Degso Wareysi Xaaji Abuukar Cumar Caddaan

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.