Dhageyso: Mujaahidiinta Al-Qaacida Ee Jaziiratul Carab Oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan.(Bayaan)
Mu’assasa warbaahineed ee Al-Malaaxim oo ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa baahisay bayaan tacsi ah oo ku aaddan geeridii ku timid alle ha unaxariisto’e Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan oo talaadadii lasoo dhaafay ku geeriyooday degmada Bu’aale ee wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka.
Bayaanka kasoo baxay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa waxaa si guud ahaaneed umadda muslimka ah si gaar ahna Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab looga tacsiyeeyay, geerida ku timid sheekha caalimka ah ee Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan.
Iftitaaxiyadda bayaanka kadib ayaa lagu yiri: “Waxaa nasoo gaaray khabarka la xiriira geerida Sheekha caalimka ah ee Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan, oo geeriyooday bartamaha bishaan Dul-xijjah ee sannadkaan, Allaah ha u naxariisto’e hana dajiyo jannaadkiisa, ayaa lagu yiri qeybaha hore ee bayaankaan tacsida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
Waxa uu sheekhu ku geeriyoodey khaatumo wanaagsan, kadib cumri kulan saday dacwo, tacliin, xaqqa oo lala jahro, ka hor tagidda dulmiga, iyo unusreynta Jihaadka iyo Mjaahidiinta, ayaa lasii saariciyay bayaanka Mujaahidiinta Al-Qaacida ee looga tacsiyeynay geerida Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Anagu haddii aan nahay Thaqriga Jaziiratul Carab, waxaan tacsi u direynaa umaddena Muslimka ah iyo walaalaheenna Soomaaliya, waxaana si gaar ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga tacsiyeynaynaa waayitaanka caalimkaan weyn, annagoo allaah Subxaanahu Watacaalaa uweydiineyna inuu kheer uguu badalo.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in geerida culimada ay tahay musiimo weyn, waxaana culimada ku nool Soomaaliya loogu baaqay iney soo saaraan jiil culimo ah xambaara, sidoo kalena buuxiya boosaska ay faarujiyaan culimada .
“Geerida culimada waa musiibo aan kabmeynin, iyo firaaq aan la buuxin karin ilaa in la helo qof iyaga lamid ah mooyee, sidaba ku timid xadiith laga wariyay nabiga SCW, waxuuna yiri ” Allaah cilmiga kuma qibdoodo siibid laga siibayo quluubta Adoomaha, balse Alle waxuu cilmiga ku qibdoodaa geerida culimada إنَّ اللهَ لاَ يَقْبِضُ العِلْمَ انْتِزَاعاً يَنْتَزعهُ مِنَ النَّاسِ، وَلكِنْ يَقْبِضُ العِلْمَ بِقَبْضِ العُلَمَاءِ، حَتَّى إِذَا لَمْ يُبْقِ عَالِماً، اتَّخَذَ النَّاسُ رُؤُوساً جُهَّالاً، فَسُئِلُوا فَأفْتوا بِغَيْرِ عِلْمٍ، فَضَلُّوا وَأضَلُّوا..
Tanina waa mid sii xoojineysa masuuliyadda iyo waajibka saraan culimada ee ah soo saarista jiil cusub oo culimo ah ,iyo dalabatul cilmi diyaar u ah buuxinta dulduleeda” ayaa lagu yiri bayaankan tacsida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Jaziirada Carabta.
Qeybaha dambe ee bayaanka ayaa looga hadlay sifaatka ay tahay inay ku suntanaadaan jiilka la doonayo inay badalaan culimada, waxaana lagu cadeeyay in laga doonayo la jahridda xaqqa, ka hor tagista baadilka iyadoo aan cidna looga heebeysaneyn arrinkaas, dadkana bara waxa ay ka jaahil yihiin, una bidhaamiya wadada hanuunka markii ay ka ambadaan, iyo iney bulshada ku dhex faafiyaan jaceylka diinta iyo sharaa’icda islaamka, si adagna uga hor tagaan oo ay tir tiraan baadilka.
Waxaan allaah weydiisanaynaa inuu kabo walaaleenna Soomaaliya, uguna kaalmeeyo u istaagidda Masuuliyadda adag ee ay ku aadan yihiin, ayaa lagu soo khatimay bayaanka tacsida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab, loogana tacsiyeeyay geerida ku timid Sheykh Nuur Macallin C/raxmaan oo talaadadii lasoo dhaafay ku geeriyoodey magaalada Bu’aale.