Dhageyso: Ruushka Oo Duqeyn Wuxuushnimo Ah Ka Geystay Suuriya.(Warbixin)
Dowladda Ruushka oo kamid ah dowladaha duullaanka cadowtooyo ku jooga dalka Suuriya ayaa geystay duqeyn wuxuushnimo ah, taas oo ay ku beegsatay dad rayid ah oo ku sugnaa gobalka Idlib ee dhaca Woqooyiga Suuriya, waxaana lasoo warinayaa khasaare ka dhashay qeyntaas.
Duqeyntaanan oo dhacday maalintii shalay ayaa waxay diyaaradaha dowladda Ruushka ka geysteen tuulo ku taalla gobalka Idlib ee dhaca woqooyiga dalkaas, waxayna ku dileen ugu yaraan 7 ruux oo rayyid ah, kuwaas oo ay ku jiraan caruur yar yar.
Binaa Baxri waa mid kamid ah qolyadaha difaaca madinaga ee dalka Suuriya, waxa uu xaqiijiyay in duqeynta cadow tooyo ee uu Ruushka geystay ay ku dhinteen 7 ruux, kuwaas oo 4 kamid ah ay caruur ahaayeen kana soo wada jeedeen hal qoys, isagoona intaa ku daray in duqeynta ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo kale, kuwaas oo 8 kamid ah ay caruur ahaayeen.
Duqeyntaan wuxuushnimo ee ay geysteen diyaaradaha dowladda Ruushka ayaa waxay si gaar ah u beegsatay deegaanka Judeydah oo ay ku sugan yihiin dad barakayaal ah, iyo guryo ay leeyihiin dad rayyid ah oo ku yaalla baadiyaha gobalka Idlib, waxayna qolyaha difaaca mandinga gurmad u fidiyeen dadka ku waxyeelloobey duqeynta, iyagoona bur burka dhismayaasha la duqeeyay hoostooda kasoo saaray dad ku dhintay duqeyntaan cadowtooyo ee Ruushku ka geystay Suuriya.
Ila wareedyo maxalli ah oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegen, in 3 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka islamarkaana ay leedahay dowladda Ruushka ay ka duuleen saldhigga Milleteri ee Xamiimiim, kuwaas oo geystay illaa 4 duqeyn, waxayna duqeynta ugu culus ka dhacday baadiyaha Idlib.
“Diyaadadaha dowladda gumeysiga ee Ruushka ayaa duqeymo xagga cirka ah oo loo adeegsaday gantaallo culus la beegsaday Mandiqaddaan, iyo deegaanno ka ag dhaw tan iyo aroornimadii hore ee saakay, laba diyaarad oo ah kuwa dagaalka ee dowladda Ruushka ayaana gantaallo xooggan la beegsaday goobahaaas”.
Sidoo kale waxaa jira duqeymo ay iyaguna geysteen Maleeshiyaad hoostaga dowladda Ruushka, kuwaas oo ka dhacay 3 deegaan oo ku yaalla Mandiqadda Sahlul-Ghaab oo dhacda baadiyaha Xammaah, iyadoona lasoo warinayo in duqeymahaas ay geysteen bur bur xooggan oo soo gaaray guryaha dadka rayidka ah, balse illaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen duqeymahaas.
Haddii aan dib ugu laabano duqeynta uu Ruushku ka geystay gobalka Idib, dadkii ku dhintay waxaa kamid ahaa 4 caruur ah oo uu dhalay Aabe Suuriyaan, kuwaas oo ay haleeleen gantaalladii ay riyadeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Ruushka.
Muuqaal lagu baahiyay baraha internetka ayaa lagu arakayaa meydadka 4-ta caruurta ah ee ku dhintay duqeynta cadowtooyo, kuwaas oo uu ku dul oyanyo aabahood, wxuuna muuqaalkaan muragada leh bannaanka soo dhigayaa heerka cadowtooyo ee dowladda Ruushka, taas oo si bareer ah u bartilmaameydsatay caruurta yar yat iyo dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.COD
Iyadoo laga jawaabayo duqeymaha ay diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa nidaamka Nuseryriyada ee Bashaar Al-Asad ka geysteen qeybo kamid ah Suuriya, ayay jamaacaadka jihaadiga ah ee ka howlgala dalkaas beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ruushka iyo Maleeshiyaadka ka amar qaata.
Jamaacada Ansaarul Islaam oo kamid ah jacaadka jidaahiga ah ee ka howlgala Suuriya ayaa qaaday weerar sawaariikh loo adeegsaday, kaas oo ay la beegsatay fariisimo ay Maleeshiyaadka nidaamka Nuseysiyada ku leeyihiin Mandiqadda Sahalul-Ghaab, waxaana bayaan kooban oo kasoo baxay Jamaacada lagu xaqiijiyay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Nidaamka.
Goobaha ay jamaacadu beegsatay waxaa sidoo kale mamid ah saldhigga Juuriin oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda dowladda Ruushka, waxaana fariisinkaan lagu beegsaday tiro sawaariikh ah, iyo hoobiyayaal ay Jamaacadu ku garaacday halkaas.
Muqaal kooban oo ay baahisay Jamaacada Ansaarul Islaam ayaa waxaa lagu soo bandigayaan weeraada Sawaariikkhda ah ee lagu gaaracay fariisimaha ay Ciidamada Ruushka iyo kuwa nidaamka Nuseyriyada ah ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka Suuriya.
“Annagoo ah jamaacad Ansaarul Islaam, waxaan weerar ku qaadnay salshigga ay maleeshiyaadka nidaamka nuseyriyada ku leeyihiin deegaanka Juuriin, innagoo ka fal calineyno duqeymaha lagu beegsaday ehelkeenna muslimiinta ah ee ku sugan deegaanka Judeydah, waxaana halkaan ka direynaa farriin ah inaad u aargudeyno dadka muslimiinta ah”.
Muuqaalka ay baahisay Jamaacada ayaa waxaa lagu arkayaa tiri gantaallo ah oo gudaha u galay fariismo ay ciidamada Ruushka ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxaana bayaan koobaan oo ay Jamaacadu baahisay lagu xaqiijiyay in duqeyntu ay geysatay waxyeello kala duwan.COD
Sidoo kale Jamaacada Ansaarut-Towxiid oo iyadana kamid ah Jamaacaadka Jihaadiga ag ee halganka ka wada dalka Suuriya ayaa qaaday, weeraro lagu bar tilmaameydsaday fariisomo ay Maleeshiyaadka Nuseyriyada iyo ciidamada Ruushka ku leeyihiin dalkaas.
Tiro Gantaallo ah ayay jamaacadu la beegsadatay bar isku imaatin ah oo ay ku kulan sanaayeen ciidamo katirsan Nidaamka Nuseyriyada iyo ciidamada Ruushka, taas oo ku taalla tuulada Daarul-Kabiir, waxayna Jamaacadu sheegtay in weerarkaan loogu aargudayo dadka Muslimiinta ah ee Ruushku duqeeyay.
Duqeyntaan wuxuushnimada ah ee ay dowladda Ruushka ka fulisay dalka Suuriya ayaa kusoo aadaysa, maalmo un kadib markii kulan sadex geesood ah ay magaalada Tehran oo ah caasimadda xukuumadda shiicada ah ee Iiraan ku yeesheen madaxda Ruushka Turkiga iyo Iiraan, kaas oo ay heshiiyo kala duwan ku kala saxiixdeen, iyagoona isku booriyay iney dar dar galiyaan gumaadka ay ku hayaan Muslimiinta reer Suuriya.
Balse Jamaacaadka jihaadiga ah ee ka howlgalada dalka Suuriya ayaa dhankooda sheegaya iney u diyaar garoobeen ka hor tagga duullaanka cudwaaniga ah, iyo fulinta weeraro ka dhan ah masaalixda ay dowlahaan 3-da ah si gaar ahna Ruushku ka leeyahay dalka Suuriya.
Dowladda Ruushka ayaa lagu xusuustaa duqeymo bahalnimo ah oo ay sanadihii lasoo dhaafay ka geystay dalka Suuriya, kuwaas oo ay ku beegsadatay dadka rayidka,, waxayna diyaardaha dagaalka ee dowladdan ay dhulka la simeen dhismayaal waaweyn oo ay leeyihiin Muslimiinta reer Suuriya, iyadoona duqeymaha ay ka geysatay dalkaan ay ku dhinteen kumamaan ruux.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dowladda Ruushka Oo Duqeyn Ku Dishay Caruur Yar Yar.