Dhaqaalaha Afghanistaan Oo Dib Usoo Kabasho Billaabay & Imaarada Oo Taagreysa Maalgashiga Dalka.(Warbixin)
Dhaqaalaha dalka afghanistan ayaa si tartiib tartiib ah ugasoo kabanaya dib udhacii ballaarnaa ee kasoo gaaray duullaankii gardarrada ahaa ee dalkan ay ku qaadeen mareykanka iyo xulufadiisa reer galbeedka.
Ku dhowaad hal sano oo imaarada islaamiga ay maamulayso dhammaan 34ta gool ee dalka ayaa ladareemayaa dib usoo kabasho weyn, balse wali lama gaarin halka latiigsanayo oo ah isku filnaansho dhan walba ah.
Dakhliga maalinllaha ah ee soo gala qof walba oo afqaani ah ayaa ka sare maray halkii uu joogay 10 bilood ka hor arrinkaas oo ku bishaaranaya in dalka ay ka abuurmeen fursado shaqo.
Warbixinno soo baxay waxay sheegayaan in maamullada tayada leh ee imaarada islaamiga ah ka dhiseen wilaayaadka dalka ay wax weyn ka bedeleen horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, balse waxaas oo dhan waxaa ka weyn in meesha laga saaray musuq maasuqa iyo maandooriyaha oo utun ku ahaa bulshada.
Imaarada waxay hirgelisay mashaariic ay ku baxayaan lacago boqolaal milyan oo dollar ah waxaana kamid ah dhismaha waddooyin, beeridda dhul kumanaan hiktar ah, jeexidda biyo qabatinno waaweyn iyo soo saarista macdanta dabiiciga ah oo bil walba ay kasoo xaroodaan lacago boqolaal milyan oo dollar ah.
Marin xuduudeedyada uu afghanistan lawadaago dalalka dariska ah ayaa lagasoo xareeyaa lacago malaayiin ah waxaana lacagtaas dib loogu celiyaa bulshada, dad ku sugan afghanistan waxay sheegeen in imaaradu ay biil uqortay dad fuqaro ah halka ay mashaariic maalgelin ay usameysay dadka xirfadaha leh si ay usoo saaraan quudka ehelkooda.
Bankiga dhexe ee afghanistan ayaa ku dhawaaqay in uu iska iibinayo lacago malaayiin dollar ah isagoo ku bedelanayo lacagta afghanistan si sare loogu qaado qiimaha lacagta maxalliga ah ee bulshada afqaaniyiinta ku dhax wareegaysanaysa.
Ogeysiis bankiga kasoo baxay oo lagu faafiyay wakaaladda wararka rasmiga ee Bakhtaar news ayaa lagu sheegay in maalinta talaadada suuqa maaliyadda laga naadinayo iibinta 12 malyan oo dollar waxaana ganacsatada lagu wargeliyay in ay ka faa’iidaystaan fursaddan.
Bankiga ayaa ugu baaqa sariflayaasha, ganacsatada iyo bankiyada madaxa banana in ay fursaddan ka faa’iidaystaan, ayna iibsadaan lacagta dollarka ee lagu bedelayo lacagta maxalliga ah.
Dad badan oo qurba joog reer afghanistan ah ayaa bilaabay in ay dalka dib ugusoo laabtaan kadib markii ay xaaladda ammaanka soo hagaagtay, dalkan oo muddo 21 sano ah ay gummeysi ku haysteen ciidamada mareykanka, waxaa caan ka ahaa afduubka dadweynaha oo lacago madax furasha ah lagusoo dayn jiray, balse hadda waxaas meesha ayay ka baxeen qof walba oo muslim ahna wuxuu kunoolyahay cizi iyo karaamo.
Ganacsato waaweyn oo dibadda ka yimid ayaa bilaabay dhismaha warshado yaryar oo kaalin weyn ka qaadan kara xoojinta dhaqaalaha dalkan, dowladdii camiilka aheyd ee afghanistan ka jirtay waxay aheyd dowladda kaliya caalamka ee miizaaniyadeedu ku tiirsaneed kaalmada dowladaha shisheeye.
Afghanistan hadda waxaa ka jirta xukuumad islaami ah oo leh dhammaan wixii laga rabay dowlad, waxaana ushaqeeya boqolaal kun oo ruux, xukuumadan iyada ayaa ismaaraysa, wax taageero maaliyadeed ahna kama hesho dibadda, taas bedelkeeda waxay dabooshaa baahiyaha dadka fuqarada.
Mas’uuliyiin katirsan imaarada islaamiga ah waxay sheegeen in ay ladagaallameen musuqa iyo mukhaadaraadka, bilo kooban kadibna ay awood uyeesheen in ay bixiyaan mushaaraadka dhammaan shaqaalaha xukuumadda, islamarkaana ay lacago keyd ah ku shubeen beytul-maalka muslimiinta.
Idaaraynta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ayaa isna dowr weyn ku leh isbedelka maaliyadeed ee laga dareemayo dalkan ay dagaalladu la degeen rubac qarnigii lasoo dhaafay.
Tajrubada imaarada islaamiga ah ayaa noqon doonto mid astaan u ah wanaagga ku dhaqanka shareecada islaamka, waxayna si shaamil ah wax uga bedeshay dhammaan dhibaatooyinkii wadanka ka jiray.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dhaqaalaha afghanistan oo dib usoo kabasho bilaabay.