Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Faransiiska Oo Ka Dhacay Burkinafaso.(Warbixin)

Wadamada dhaca saaxilka Africa waxaa kusii xoogeysanaya carada ay dadka ku nool Mandiqadda u qabaan dowladda Faransiiska oo in muddo ah gumeysi ku heystay dalalkaas, taas oo hadda si tartiib tartiib ah lugaha ugala sii baxaysa duullaanka mellatari ee ay ku qaaday wadamadaan

Boqallaal ruux ayaa maanta mar kale isugu soo baxay wadooyinka waawey ee magaalada Wagadugu oo ah caasimadda dalka Burkinafaso, kuwaas oo dhigayay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan wujuudka ciidamada Faransiiska ee dalkaas.

Dadkaan isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda Burkinafaso ayaa wajiyadooda la dheenayay, carada xooggan ee ay uqabaan dowladda Faransiiska oo duullaanka ku joogto dalkooda.

Waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah xukuumaddu Paris, waxaana kamid ahaa “Faransiiska waa hooyada argagixisada” isaga bax dalkeenna, dhammaanteen waxaan u istaagnay xureynta Burkinafaso, dowladda Faransiiska waa Imbaraadooriyad xad gudub badan, iyo erayo kale oo ka tarjumaya halka ay gaar siisan tahay carada ay dadkaan uqabaan xukuumadda Paris.

Dadkaan ayaa waxay sidoo kale kasoo hor jeesteen wadawallada ay hadda wado dowladda Faransiiska ee ay ku dooneyso iney ku ilaashato kaakinteeda qaaradda Africa, islamarkaana uu sii jiro wujuudkeeda Mandiqadda.

Mid kamid ah madaxda isbaheysiyo cusub oo ka dhan ah dowladda Faransiiska ayaa sheegay, iney si adag u cambaareeynayaan heshiisyada dhaqaale ee lala galayo Faransiiska, iyo in uu saldhigyo milletari ka sameysato qaaradda Africa.

“Waxaan dooneynaa in dowladdaan ay gabi ahaanba isaga baxdo Saldhiga Campawosin oo ay ciidamada Faransiiska ku leeyihiin woqooyi galbeed ee magaalada wagagudu, lana jaro dhammaan cilaaqaadka lala leeyahay xukuumadda Paris ” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Isbaheysiyadaan ka dhanka ah Faransiiska ayaa waxay carabka ku adkeeyeen, in xukuumadda Paris ay dooneyso sidii ay gumeysi hor leh ugu soo rogi leheed qaaradda Africa, ayna booto dhaqaalaha dalalka ku yaalla Mandiqaddaan oo ay ku loollamayaan quwadaha caalamka.

Sidoo kale mid kamid ah madaxda isbahaysiyadaan ayaa sheegay, in dalka uu galayo marxalad cusub, ayna hayaan dhabihii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumeytsataha qabsaday dhulkooda, sidoo kalena helaan xurriyad dhab ah oo aan eheed midda dhalanteedka ah ee ka jirta dalkaas.

12-ka bisha Augosto ayay ku baaqeen dibad baxyo ballaaran oo ka dhaca guud ahaan dalka, kuwaas oo lagu soo afjarayo siyaasadda gumeysi ee uu Faransiisku ku jooga dalka Burkinafaso, ayna safiirka Faransiiska ufadhiya dalkooda ku qasbi doontaan inuu waddanka isaga cararo.

Faransiiska oo hore u gumaysan jiray Burkina Faso, ayaa saldhig ciidan ku leh Magaalada Wagadugu ee caasimadda dalkaas, waxaana ciidamadooda cirka ay si joogto ah u farageliyaan dalka ay jaarka yihiin ee Niger, si ay u taageeraan hawlgallada milateri ee ay ciidamada Burkina Faso ka wadaan xuduudaha ay la wadaagaan wadamada dhaca Saaxilka Africa.

Si lamid ah dalka Maali ayuu Faransiisku billaabay inuu soo af jaro duullaankiisa uu joogo dalkaan, waxaana bishii Janaury ee lasoo dhaafay awoodda mellatari la wareegay ciidamada xukuumadda Burninafaso, kuwaas oo ballan qaaday iney mudnaanta koowaad siin doonaan dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta.

Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin oo ka halganta wadamo dhaca saxaraha iyo saaxilka Africa ayaa marar badan weeraro ka fulisay gudaha dalka Burkinafaso, kuwaas oo ay ku xasuuqday boqallaal katirsan ciidamada dalkaan.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Faransiiska Oo Ka Dhacay Burkinafaso

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.