Dowladda Ruushka Oo Ku Fashilanty Dhisida Dakad Iyo Saldhig Military Oo Ay Ka Rabtay Suudaan.(+Sababta)
Dowlada Ruushka ayaa lagusoo waramayaa inay ku fashilanty dhisida dakad iyo Saldhig military oo ay ka rabtay wadanka Sudan, Kadib markii ay fara galin ku sameysay xukumada Washington, taas oo xaliif dhow la ah madaxda military-ga ee xooga ku qabsaday talada wadankaasi.
Wargeyska Bloomberg ayaa qoray warbixin cinwan looga dhigay, Riyadii Ruushka way rumoobi weysay, taas oo lagu falanqeynayay sababaha hor istaagay in la saxiixo heshiskan, oo ay hadal heyntiisu soo bilaabatay sanadki 2020ka.,
Dhisida Saldhigan oo ay Xukumada Moscow ku dhawaqday laba sano kahor, ayaa noqon lahaa kii ugu horeeyey ee Rasmi ah oo ay dowlada Ruushka ku yeelato qaarada Africa, si ay mandiqada ugu ciriiriso wadamada Shiinaha, Mareykanka, Faransiiska iyo dalalka kale ee kujira Isbaheysiga NATO, kuwaas oo ku tartamaya kheyradka Dabiiciga ah ee ay hodanka ku tahy qaarada Africa.
Sarakil ka socda hey’ada Sirdonka Mareykanka ee CI-daA, ayaa tiro dhowr jeer ah booqasho ku tagay magalada Khartoum, waxa ayna kulama kala duwan la qaateen Madaxda hogamiso xukumada, Sida Maxamed Xamdan Xameyti oo ah dalal caan ah, Cabdil Fatax Burhan oo ah madaxweynaha dalka iyo Xubno kale, xog hoose oo ay siiyeen shabakada ayayna ku shegen, in Dowlada Sudan ay diiday dalabki kaga yimid dhanka Moscow, kaas oo ahaa inay saldhig ciidan ka dhisato xeebaha bada cas, si ay sameyn ugu yeelato marinada Bada ee mandiqada, oo ay ka gudban %30 ganacsiyada caalamka.
Dadka sida dhow ula socda gorgortanka u dhexeyo Moscow iyo Khartoum ayaa shegaya, in hadal heynta mashrucan uu soo bilowday dhamadki sanadka 2020ka, heshiskan oo hadii qalinka lagu duugo ka dhigan, in RUushka uu lugta la helay mandiqad Istiratiji ah, maadama uu doortay magaalo xeebeed ku teedsan Bada cas, taas oo ay ka walwalsan yihin madaxda American-ka, inuu kusoo bandhigi doono awoodiisa, isagoo waliba sameyn doona, meela ka baxsan Bada loo yaqaan Indian Ocean.
Inkastoo ay dowlada Ruushka ku mashqulsan thy siyaasada gudaha iyo dagaalka ay kaga jirto wadanka Ukraine, ayna la daala dheceyso saameynta ay ku reebeen cunaqabateynada ay saareen Mareykanka iyo Dowladaha Yurub, ayay hadana soo bexeysa kala duwanansho xaga fikirka ah, maadama rabitabka Moscow uusan la jaan qaadi Karin, isbad badalka gudaha ee ka dhex jiro sarakisha inqilabka, kuwaas isku khilaafsan qaabka looga bixi karo dhaqala xumada baahsan ee ka jirto wadankaasi.
Madaxweyne Burhan iyo Xameyti ayaa lagusoo waramaya inay lakala safan yihin labada daraf, xilli Maxamed Xamdan Daqlow uu doonayo in Dowlada Ruushka laga iibiyo dhulka, ayuuna Madaxweyne Burhan dadal ugu jiraa sidii uu kaga fogan lahaa carada reer galbedka iyo xulafadiisa Mandiqada, kuwaas oo kasoo horjeeda siyasada Moscow.
Dekada Port Sudan oo uu dalbaday Madaxweyne Putin, ayaa ah dakada ugu weyn ugu dhaqdhaqaqa badan guud ahaanba dalka oo idil, Sarakisha Inqilabka oo muda ku dhow laba sano ka laba labeynayey dalabka xukumada Moscow ayaana hada loo badinaya, inay gabi ahaanba ka bexen qorshahas, maadama ay dalabad badan ka helen wadamo ay ka mid thy Imaratka carabta.
Sarakisha u hadlay Sirdonka Mareykanka ayaa ku doodaya, in Rajadi Putin ay mesha ka baxday, mustaqbalka dhowna aysan heli doonin Dekada Port Sudan, balse laga yaabo inay Dowlada Cajuuzka ah raadiso dariiqooyin kale, sida inay Heshis la saxiixato Somaliland, taas oo baadi goob ugu jirta aqoonsi heer calami ah, oo ay suurta gal thy inay wax waliba ku badalato.
Joseph Segel waa baare wax ku qora Markazka darasadka Istiratijiga ah ee Africa, wuxuuna ku doodaya in Madaxda Sudan ay rabaan inay la socdan darafyada oo idil, maadama ay doonayan inay dhinac kala socdan Ruushka, dhanka kalena aysan waayin maal gashiga iyo deeqaha ay ka helan dowladaha reer galbedka, iyagoo maanka ku haya in Xukumada Moscow aysan ka heli doonin dhaqale fara badan, taas ayaana keeneysa in dib loo dhigo, heshiiski Port Sudan sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale Afhayen u hadlay wazarada arimaha dibada Mareykanka ayaa yiri, In horey loosie wado heshis badeed oo noocaan ah ama heshis amni oo dhex mara Khartoum iyo Moscow, wuxuu go’doomin doona nidaamka caskariga ah ee kajiro dalka Sudan, wuxuuna hoos u dhigayaa dagananta mandiqada iyo guud ahaanba deeganada ku xeeran Bada Cas, arinkaas oo aysan diyaar u aheyn Madaxda wadanka Sudan.
Shabkada Bloomberg ayaa sidoo kale soo xigatay, hadal uu Dhawan jeediyey Sheydi Balayden oo ah masul katirsan Pentagon-ka, kaas oo golaha congress-ka ka hor jeediyey kalimad dheer taladadi lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeyey, in Cadowga Mareykanka oo uu ula jeeday Ruushka iyo Shiinaha ay daremayan ahmiyada ay ledahay qaarada Africa, sidaas dartedna ay isugu geynayan wax kasta oo awood ah iyo talaabo kasta oo ay ku kasban karaan saxibtinimadooda, taas oo ay sii dhertahay, in Beijing iyo Moscow ay bilaabeen, inay qalab difaac iyo kuwa tababarba ka iibiyan madaxda African-ka ah.
Cameron Henderson oo ah khabir ku takhasusay cilaqadka Mareykanke ee Africa ayaa yiri, qorshaha Ruushka wuxuu yhy inay kala dilan Burhan iyo ku xigenkiisa, ayna labada daraf la saxiixdan laba heshis oo leh wajiyo kala duwan, sida in Xameyti uu cilaaqaad dheer la yeesho shirkada Vagner ee Murtazaqada ah, ayna ka wada shaqeyan cilaqadka ganacsi iyo midka ciidan ee aan rasmiga aheyn, Halka Safaarada Moscow-na ay heshisyo rasmi ah la gali doonto Cabdil Fatax Burhan, mashruucan oo halistiisa ximbarsan hadii uu dhaqan galo.
Marka lagasoo tago hadal heynta Mareykanka, dhanka kale waxaa jiro dad ku doodaya in Putin uusan ka laaban qorshaha uu kula waregayo Dekeda Port Sudan, balse uu ka baqayo inuu lugaha la galo heshiska, iyadoo aysan fadhin siyaasada dalka Sudan, taas oo ay ku soconayan isbadalo joogta ah, wuxuuna la sugayaa inta ay Sarakisha ciidanka gacanta uga dhigayan mamulka guud, ayna ka joogsanayan dibad baxyada ka dhanka ah ee ka soconayan wadankaasi.
Siyaasi lagu magacabo Henderson oo horey ulasoo shaqeyey wazarada arimaha dibada Washington iyo CIA-da ayaaa bartiisa soo dhigay hadal lagu taagerayo arinkan, kaas oo ah in Azamo siyaasaded ay ka taagan thy dalka Sudan, wax badana la iska weydinayo kalinta uu kuleyahy ciidanka military, isagoo farta ku fiiqay in siyaasada Sudan ay ku socoto isbadal joogta ah, kaas oo daqiiqad kasta dhulka la simi karo dhamanba yadadilada ay dowladaha reer galbedka iyo Barigaba ka leyihin dekedaha wadankaasi.
Hadal kale oo Dhawan so baxay ayaa shegayay, in Ruushka kaligi uusan ku aheyn baadi goobka loogu jiro Dekeda Port Sudan, balse uu tartan adag kala dhexeyo Xukumada Abu Dhabi, taas oo dagaalka kusoo biirtay isbuucyadi lasoo dhaafy.
Masuliyiin kasocda dalka Imaratka ayaa booqasho ku tagay magalada Khartoum, waxa ayna Madaxweyne Burhan usoo bandhigen qorshe lagu dhisayo dakad u dhiganta Port Sudan, taas oo ay ku bixi doonto qarash dhan ilaa 6 Billion oo dollar, arintan ayaana qeyb ka ah, qorshaha ay madaxda sudan kusoo jiidanayan maal qabenada ajanibta ah, si ay maal gashi ugu sameyan dalka, iyagoo indhaha ka laabanaya khilafyada siyaasaded, halka siyaasiyinta mucaradkana ay ku doodayan, inay thy Xaraash cad oo lagu hayo hantida dowlada, maadama uu dhaqalaha dalkaasi dhulka galay.
Iskusoo wada duubo, xaalka dalka Sudan waa mid qasan, dhaqale xumo baahsan ayaa ka jirto dhamanba gobolada, dibad baxyo ka dhan ah xukumada ayaa ka soconaya magaloyinka waweyn sida Khartoum, khilaf siyaasaded wuxuu ka dhex jira hoganka, dagaal hoosena wuxuu kala dhexeya dowlada ay dariska yihin ee Ethiopia, halka siyaasada iyo dhaqalaha dalkana ay ku loolamayan dowladaha waaweyn, sida Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo dalal kale, sida Imaratka oo doonaya inuu la warego dekedaha wadankasi.