Emmanuel Macron Oo Socdaal Ku Maraya Galbeedka Qaaradda Africa.(Warbixin)

Dowladda Faransiiska oo xifaaltan weyn oo dhanka nufuudda ah ka wajahaysa mandiqadda saaxilka qaaradda afrika oo ay horay ugummeysan jirtay ayaa isku dayaysa in ay wax uun wujuud ah ku yeelato mandiqadda ay sii waynayso.

Dagaalka toban sana jirsaday ee ciidamada Faransiiska ay uga jiraan dalka Maali ayaa dhulka geliyay awooddii ay dowladani ku laheyd galbeedka afrika waxaana sii daciifaya kaalinteedii gobolka.

Duullankii Maali ayaa sababay in ciidamada Faransiiska lagu dhiigbixiyo mustanqaca dagaalka ee Saaxilka, Faransa ayaa sumcad xumo ku kasabatay duullaanka maali kadib markii ay ciidamadeeda cirka iyo kuwa lugta ay xasuuq bahalnimo ugeysteen dad muslimiin ah.

Warbixinno ay diyaariyeen hay’adaho reergalbeed ah ayay ku sheegeen in ciidanka Faransiiska ay dalka Maali ka geysteen gabood fallo bahalnimo kadibna si ay uqariyaan falal dambiyadooda ay howlgalka Maali ubedeleen mid nabad ilaalineed oo taabacsan waxa loogu yeero Q.Midoobay.

shucuubta mandiqadda saaxilka oo ku dhibanaa faragelinta dalalkooda uu kusoo sameeyay Faransiiska ayaa iyana bilaabay in ay dhigaan kacdoonno ka dhan ah dowladda daalimadda ah.

Nidaamka camiilka ah ee ka jira dalka Maali ayaa isna xaaladda ugasii daray kadib markii uu qaaday tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka dhan ah dowladda faransiiska.

Xukuumadda Maali waxay sheegtay in aan ciidamada Faransiiska wadanka looga baahnayn iyadoo ka baxday dhammaan heshiisyadii amni ee kala dhaxeeyay sidoo kale waxay ku baaqday in ciidamada Faransiiska ay dalka isaga baxaan.

waxaa kale oo dibad baxyo ka dhan ah faransiiska ay ka oogmeen wadamada Jaad,Niger iyo Burkina Faaso, xaalada ayaa kusii adkaatay faransiiska kadib markii maamulayaasha Maali ay heshiis dhanka amniga lasaxiixdeen shirkada caloosheed ushaqeysatada Ruushka ee loo yaqaan Faagnar.

Soo gelitaanka ruushka ee mandiqadda saaxilka waxay qoob gariir ku ridday dhammaan masaalixda reergalbeedka ee mandiqadda gaar ahaan faransiiska oo ka baqdin qaba in dalalkii uu gummeysan jiray ay ugacan galaan ruushka.

Emaniwal Macron madaxweynaha Faransiiska ayaa bilaabay booqashooyin uu cagta ku marinayo qaar kamid ah dowladaha dhaca galabeedka qaaradda Afrika kuwaas oo sanadadii lasoo dhaafay ka gows adeygayay siyaasadda xukuumadda Paris.

Macron oo ay la socdaan tiro kamid ah golihiisa wasiirrada ayaa ka degay magaalada Yoonde ee caasimadda u ah dalka Kaamiroon, ammaanka madaxweynaha ayaa si aad ah loo adkeeyay si ka duwan sidii hore waxaana waardiyaynayay ciidamo Faransiis ah oo horay diyaarado loogu geeyay dalkan.

Madaxweynaha Farasniiska wuxuu kulan laqaadanayaa Madaxweyna cutush-ka Kaamiroon ee lagu magacaabo Bool Biyaa, hoggaamiyaha kaamiroon waa 90 sana jir waana madaxweynaha ugu waqtiga dheer qaaradda afrika oo wuxuu dalkan maamulayaan waxka badan 40 sanadood oo xiriir ah.

Hoggaamiyaasha mucaaradka kaamiroon ayaa Macron ku eedeeyay in uu dhiirigelin usameynayo kaligiis taliyaha gacanta birta ah dalka ku maamulaya ku dhowaad nus qarni.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada faransiiska wuxuu sheegay in socdaalka Macron uu salka ku haayo wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya wadamada galbeedka afrika iyo ukuur gelidda loollannada istiraatiijiyadeed ee mandiqadda kusoo kordhay.

Falanqeeyayaal udhuun daloola arrimaha afrika ayaa aaminsan in dib udhac weyn uu ku yimid nufuuddii faransiiska ee qaaradda gaar ahaan arrimaha ganacsiga oo ay lasii wareegayaan dalal ay kamid yihiin shiinaha,Hindiya iyo Jarmalka.

Arrimaha uu Faransiisku ka gubanayo ayaa ah in dowladihii mustacmaradaha u ahaa ee galbeedka afrika ay gacantiisa kasii baxayaan ayna cilaaqaad lasameysanayaan dowlado kale.

Maalinta arbacada ayaa lafilayaa in Macron uu ujihaysto dhanka dalka Baniin oo bilihii lasoo dhaafay ay weeraro dhiigbadan ku daatay ka fulinayeen dagaalyahannada alqaacidda, macron ayaa laamaha ammaanka ee dowladda baniin uballan qaadi doono taageero dhan walba ah.

Baniin oo kamid f dalalka galbeedka afrika waxaa dhowaanahan weeraro askar badan lagu laayay, dad reergalbeed ahna lagu qafaashay ka fulinayay xoogag jihaadi ah oo kasoo xaluushay dalalka saaxilka islamarkaana gudaha ugalay dowladaha ku teedsan gacan biyoodka Giniya oo kamid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka.

Sidoo kale Macron ayaa maalinta khamiista booqanaya dalka Gini Bisaaw oo kamid ah dalalka ugu daran ee uu saameeyay gummeysiga faransiiska islamarkaana ay dadkiisu faqri iyo azamaad kale ka dhaxleen faragelinta faransiiska.

Dadka dhaliila dowladda faransiiska ayaa sheegaya in dalalka uu hadda booqanayo Macron ay yihiin kuwa aad ugu liita dhanka dhaqaalaha iyo horumarka islamarkaana madaxda ka jirta ay taabac u yihiin xukuumadda Paris.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ka indha laabtay in uu socdaal ku tago dowladaha la dhutinaya dagaalkii uu ciidamadooda geliyay sida Niger,Jaad iyo Burkuna Faaso.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Socdaalka Macron ee galbeedka qaaradda Africa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.