Faahfaahin: Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Duqeysay Gobolka Bakool.
Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Xabashida Itoobiya ayaa duqeyn ka geysatay deegaanka Garasweyne oo qiyaastii 45Km u jirta dgemada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Sida ay sheegeen goob joogayaal diyaarad nuuca Miiga ah ayaa dhowr gantaal ku garaacday bartamaha deegaanka, waxaana inta xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof shacab ah uu ku dhaawacay
Dabka deegaanka ayaa sheegay in duqeymahaan cadawtooyo ay ku dhaawacantay Faadumo Xuseen Cabdi Raxmaan, oo ah haweenay katirsan dadka deegaanka, islamarkaana ah hooyo hooyo haysata hal ilmo ah, iyadoo sida la sheegay dhaawacu uu ka soo gaaray dhanka madaxa iyo feeraha.
Xabashida Itoobiya oo ka caraysan gumaadkii ku dhacay maleeshiyaatka Liyuu boolis ku qabsaday deegaanka Caato ayaa u muuqda kuwo doonaya inay ka aar-goostaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka iyo deegaanada ku yaalla xuduud-beenaadyada Bakool iyo Soomaali-Galbeed.