Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay NFD.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerarkii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Raamo oo hoostaga degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera ee dhulka NFD ay Kenya xoogga ku heysato.
Weerarkaas oo ahaa mid culus ayaa waxaa inta la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo Keenyaati ah, halka lagu dhaawacay 3 kale, waxaana intaa dheer gubashada qaari Taaw ah oo xerada la weeraray u yiillay ciidamada Kenya.
Sida laga soo xigtay dadka deegaanka diyaarad Helokobtar ah ayaa kusoo degatay saldhigga, taas oo halkaas qaaday meydadka iyo dhaawacyada askata Kenya ee ku sugnaa xerada la weeraray.