Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Toogasho Dad Lagu Dilay Oo Ka Dhacday Dalka Canada.

Warar dheeraaard ah ayaa laga helayaa weerar toogasho ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay galbeeka dalka Canada, kaas oo geystay khasaare nafeed oo isugu jita dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta dalka Canada ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 ruux ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen toogasho ka dhacay deegaan u dhow magaalada Vancouver ee gobolka British Columbia ee dhaca galbeeka dalka Canada.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa sarkaal katirsan booliska dowladda dalkaasi ayaa ku warantay in nin hubeysan uu toogasho ka geystay deegaanka Langley ee ku yaalla koonfur-bari magaalada Vancouver, halkaas oo uu ku dilay 3 ruux halkaa 2 kalena uu ku dhaawacay ka hor inta aysan toogan ciidanka booliska xili uu isku dayay inuu ka baxsado goobta uu weerarka ka fuluyay.

Goor sii horaysay Taliyaha booliska ee magaalada Vancouver ayaa shir jaraa’id ku sheegay in toogasho ka dhacday bartamaha deegaankaas lagu dhaawacay 4 ruux, kuwaas oo laba kamid ah ay markii danbe ku geeriyoodeen isbitaalka, halka labadii kale ay xaladoodu tahay mid halis ah.

Dalka Canada waxaa marar badan ka dhacay toogasho wadareedyo geystay khasaarooyin kala duwan, toogashadaan cusub ayaana imaanaysa xili dowladaha Reer Galbeeedka ay xal u la’yihiin weerarada nuucaan oo kale ah kuwaas oo ku soo badanaya dalalkooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.