In Ka Badan 1700 Oo Kuleyl Dartiis Ugu Dhintay Dalalka Spain iyo Burtuqiiska.(Warbixin)

Wali waxaa dalal dhaca qaaradda Yurub ka taagan kuleyl daran, kaas oo maalinba maalinta ka dambeysa kasii daraya, xilli lasoo tabinayo in dad aad u badan ay u dhinteen kuleylka jira, iyadoona ay intaas dheer tahay inay wali holcayaan keymaha ku yaalla qaar kamid ah wadamada reer galbeedka.

Kuleylkaan oo lagu sheegay inuusan nuuciisa horey usoo marin qaaradda Yurub ayaa waxaa ku dhintay boqallaal ruux, qolyaha dab damiska ayaana wali la tacaalaya sidii ay uga guuleysan lahaayeen dab kusii fidaya dalalka Faransiirka iyo Spain, xilli Madaxda dalka Ingariiska ay ku baaqeen in la damiyo danka, heer kul aad u daran ayaana laga soo calameedayay dalkaas, dowlado dhaca koonfurta iyo galbeedka qaaradda Yurub ayuuna kusii fidiayaan kuleylka,

Dalka Spain waxa uu kamid ah dalalka ugu daran ee la dhibaatoonaya mowjadahaan kuleylka ah, waxaana meelo badan oo dalka kamid ka kacay dab xooggan, madaxda dalka ayaana diray fariiqyo cusub oo qolyaha dab damiska ah, iyadoona madaxweynaha dalka Spain oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in is badalka xagga cimilada ah ay ku dhinteen boqallaal ruux, isagoona intaa ku daray in xaaladdaan ay sidoo kale ka taqalluseyso nidaamka xagga Bey’ada iyo Nolosha ee dalkaas, xilli Ra’iisal Wasaaraha dalkaas ay sheegtay in 500 oo ruux ay u dhinteen kuleylka.

In ka badan 1700 oo ruux ayaa lasoo warinayaa iney ku dhinteen dalalka Spain iyo Burtuqiisa, muddo ka yar laba isbuuc, kuwaas oo u dhintay kuleylka daran ee ka jira dalalkooda, kaas oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu darnaa ee soo mara qaaradda Yurub.

Saxiifadda Axios ee kasoo baxda dalka Maraykanka ayaa sheegtay, in kulaylka aan hore loo arag oo ay wehelinayaan dab ka kacay kaymaha Faransiiska, Spain iyo Burtuqiiska, uu kumannaan dad ah ku qasbay inay ka barakacaan guryahooda, lagana cabsi qabo inuu sii socdo dhawr toddobaad.

Kumannaan Hiktar oo dhul ah oo ku yaalla Magaalada Tabarra ee waqooyiga dalka Spain ayaa bas beelay, sida ay sheegeen dadka deegaanka, dabkan soo noqnoqday ayayna u sababeeyeen, iyadoo aan jirin siyaasad ka hortag ah oo udagsan xukuumadda, waxayna dowladda ku eedeeyeen inay ka caga jiideyso qandaraas ay la gasho shaqaale badan oo ka tirsan qolyaha difaaca madaniga ah, si loo yeero khatarta ka dhalan karta mowjadahaan kuleylka ah ee ka jira dalka Spain.

Goballo ku yaalla dalka Faransiirka ayaa waxay wali qolyaha dab damisku isku dayayaan iney ka hor tagaan dab xooggan oo kusii fidiya dhulka keymaha ah, waxaana lasoo warinayaa in dabku uu baabi’iyay masaaxo ballaaran oo dhan 35,000 oo hektar oo dhul keymo ah oo ku yaalla Faransiiska, waxaana uu sidoo kale sababay in 32,000 oo qof  ay ka barakacaan guryadooda.

Gobolka uu cinabku ka baxo ee La Gironde kuna yaalla dalka Faransiiska ayaa waxaa ka kacay dabkii ugu weynaa tan iyo muddo hadda la joogo 30 sano, maamulka ayaa sheegay in la xiray nin looga shakisan yahay inuu si ula kac ah usii hurinayay dabka ka holcaya Mandiqaddaas.

Faransiiska ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga diiwaan galiyay kuleylkii ugu darnaa ee ku dhifta dalkaas, waxaana jira ixtimaal ah in heer kulkul uu sare u koco, islamarkaana gaaro inta u dhexeysa 40 illaa 42 digree, xilli dalka ay wali ka soconayaan dadaallo ku aadan daminta dab kusii fidiya qeybo kamid ah Faransiiska.

Waddanka Ingariiska oo mudooyinkii u dambeey ay ka jireen mowjado kuleyllo ah ayaa waxaa isana lasoo sheegayaa, in qeybo kamid ah goballada dalkaas uu ka kacay dab xooggan, kadib markii uu heerkulka ka sara maray 40 Digree.

Isku socodkii tareennada iyo gaadiidka kale ee dad weynaha ayaa dhammaanba la hakiyay guud ahaan dalka UK, Waxaana wasiirka gaadiidka ee dalka Britain uu sheegay, in kuleylka jira uu sababay bur burka qeybo kamid ah garoomada ku yaalla dalkaas, iyo khadadka ay isticmaalaan tareennada.

Sidoo kale Mowjadahaan ayaa sababay inuu xirmo garoonkii ugu weynaa ee ay siticmaalayeen ciidamada cirka ee Ingariiska, Taliska ciidanka melleteriga dowladda Ingiriiska ayaana ku dhawaaqay in albaabada laysugu dhuftay garoonka ugu weyn ee ay isticmaalaan ciidamada cirka sababa laxiriira kuleylka jira.

Mid kamid ah warbaahinta carbeed oo soo xiganaysa ilo wareedo melleetri ayaa sheegtay in ciidanka cirka boqortooyada UK uu hakiyay dhammaan duulimaadyadii immaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray garoonka saldhigga Price Norton sababa laxiriira dhabbaha laamiga ka sameysan ee diyaaraduhu ku ordaan oo dhalaalay, heer kulka oo dalka Ingiriiska ka sare maray 40 digree ayaana sababay in ay dhalaalaan laamiyada waxaana laga cabsi qabaa in tobanaan ruux ay kuleyl dartiis ugu dhintaan dalkan.

Waxaa jira dowlado ku yaalla oo ku yaalla qaaradda Yurub, kuwaas oo uu saameyn daran ku yeeshay kuleylka ka jira Mnadiqadda, Talyaaniga oo kamid ah dalalkaas ayaana lasoo sheegayaa in heer kulku uu ka sara maray 40 Digree, taas oo keentay inuu koco dab xooggan.

Guddiga Midowga Yurub ayaa maalintii shalay sheegay, in kala bar dadka ku nool qaaradda ay halis ugu jiraan abaar baahsan, sababo la xiriira roobka oo ku yar Mandiqadda, taasoo laga yaabo inay hoos u dhigto wax soo saarka beeraha dalalka sida Faransiiska, Romania, Spain, Burtuqiiska iyo Talyaaniga.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saadaasha Hawada Adduunka Petri Talas ayaa ka digay, in mowjadaha kulaylka ee ka dhashay isbeddelka cimilada, islamarkaana sababay in kulaylku sare u kaco heerkii ugu sarreeyay uu noqon doono mid kasii dara sannadaha soo socda.

Waxaa isa soo tareysa qeylo dhaanta iyo digniinnada is daba joogga ee kasoo yeeraya dowladaha reer galbeedka, kuwaas oo ku aaddan kuleylka daran ee ka jira qaar kamid ah dalalkaas, xukuumadaha reer Yurub ayaana ka caajisay wax ka qabashada arrintaan, maadaama ay tahay musiibo rabaani ah oo ku habsatay duwalka is moodey iney iyagu ugu awoow badan yihiin caalamka.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dabka Yurub

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.