Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Leh Oo Ka Dhashay Weerar Cusub Oo Ka Dhacay Wadanka Maali
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ayaa ka dhashay weerar cusub oo ka dhacay wadanka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Wararka ka imaanaya Maali ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay weerar culus ka geysteen meel aan sidaas uga fogeyn magaalada caasimadda ah ee Bomako.
Ugu yaraan 6 ruux oo 4 kamid ah yihiin saraakiil ayaa ku dhintay weerarkan oo walwal ku riday shisheeyaha iyo ciidamada la shaqeeya sababa laxiriira isagoo ka dhacay meel ku dhow caasimadda dalka Maali.
Weerarkan oo dhacay xilli habeen ah wuxuu beegsaday saldhig ay ciidamo isku dhaf ah uga sugnaayeen degmada Zanatagiila oo aad ugu dhow magaalada Bomako.
Saraakiil uhadlay wasaaradda ammaanka ayaa sheegay in ay xakameeyeen xoogagii weerarka soo qaaday balse wuxuu qiray in khasaare uu soo gaaray sufuufta ciidamada ammaanka.
Diblumaasiyiin ku sugan dalka Maali ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Zanatagiila uu walaac caalami ah keenay sababa laxiriira amniga waddanka oo ah mid halis ah iyo ciidamada shisheeye oo isku diyaarinayo in ay dalka isaga baxaan.
Badanaa weerarada mujaahidiinta ayaa ka dhici jiray waqooyiga iyo bartamaha Maali balse weerarkii habeen hore ayaa aad uga duwanaa camaliyaadkii hore arrinkaas oo durbadiiba reebay saameyn maxalli ah iyo mid caalami ah intaba.
Wasiirka wasaaradda ammaanka xukuumadda Maali wuxuu sheegay in ragga weerarka fuliyay aan wali heybtooda lagaran islamarkaana aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen isagoo ka gaabsaday in uu faah faahiyo qaabkii ay wax udhaceen.
Dhinaca kale waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ka muujisay go’aan lama filaan ay oo ay dowladda Masar ka qaadatay ciidamadeeda ku sugan dalka Maali.
Xukuumadda Al Qaahira ayaa sheegtay in bartamaha bisha Agust ee sanadkan ay hakin doonto dhammaan howlgalladii ay ciidamadeedu ka wadeen dalka Maali kadib weeraro is xigxiga oo ay kala kulantay dagaalyahannada jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin.
Howlgalka Q.Midoobay ee dalka Maali oo loo yaqaan MINUSMA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga walaacsanyahay qaraarka kasoo baxay Masar.
Ergada Masaarida ee ku sugan magaalada New York ayaa si cad usheegay in ciidamadooda Maali ku sugan aysan udulqaadan karin weerarada laayaanka ah ee uga imaanaya Jihaadiyiinta sidaas daraadeed ay lasoo baxayaan.
Ugu yaraan 10 askari Masaari ah ayaa ku dhintay weeraro is xigxigay oo isbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay waqooyiga iyo bartamaha dalka Maali, ugu yaraan 1035 askari Masaari ah ayaa ku sugan dalka Maali taasi oo ka dhigan in dowladdan ay ka mid tahay dowladaha ciidamada ugu badan ay ka joogaan dalka Maali.
Weerar 5tii bishan ay dagaalyahannada Nusratul Islaam ay ka fuliyeen magaalada Gaaw ee dalka Maali waxaa ku dhintay 2 askari Masaari ah halka 5 kale ay dhaawacyo soo gaareen, weerarkan ayaa sababay in Masar ay qaadato go’aan hal dhinac ah oo ay ciidamadeeda ugala baxayo Maali.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Weerar Cusub Oo Ka Dhacay Dalka Maali.