Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Ku Dhintay Toogashooyin Ka Dhacay Dalka Koonfur Afrika.

In kabadan 30 ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday laba toogasho wadareed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha laba baar oo ku yaalla wadanka Koonfur Afrika, sida ay shaaciyeen booliska dowladda dalkaas.

Toogashada koowaad ayaa ka dhacday baar lagu caweeyo oo ku yaalla deegaanka Soweto ee dhacda duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu dilay15 ruux oo kamid ahaa dad halkaas ku sugnaa.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Soweto, Nonhlanhla Kobhaka oo wakaaladda wararka AFP la hadlay ayaa sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku faray dad baarka ku sugnaa, taas oo sababtay in halkaas ay ku quur baxaan 15 qof.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 11 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka oo ay ku jiraan 3 ruux oo dhaawacoodu culus yahay.

Toogashda labaad ayaa ka dhacay baar lagu caweeyo oo asna ku yaalla magaalada Pietermaritzburg ee bariga wadanka Koonfur Afrika, waxaana halkaas ku dhintay afar qof, sideed kale way ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay sarkaal u hadlay booliska dowladda dalkaas.

Sarkaalkaan oo katirsan waaxda booliska magaaladaas ayaa tilmaamay in kadib markii laba nin oo hubeysan ay rasaas aan kala sooc laheyn ka geysteen gudaha baarka ay halkaas ku dhaawacmeen 12 qof, kuwaas oo labo ka mid ah ay isla goobta ku dhinteen, halka labo kalena ay markii dambe isbitaalka ku geeriyoodeen, Sideeda kalena  weli lagu daweynayo isbitaalka.

Booliska dalka Koonfur Afrika waxay sheegeen in labada weerar loo geystay si isku mid ah, mana jirto wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen kooxihii weerarka geystay, balse waxay tilmaameen inay fureen baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Guud ahaan Wadanka Koonfur Afrika ayaa si weyn looga hadal hayaan weerardaan ay dhiiga badan ku daateen oo ka dhacay gudaha dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.