Kulan Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Farmaajo Iyo R/Wasaarihii Hore Ee Yahuuda.(Xog Cusub)

Sida uu qoray Wareyska the Times of Israel oo soo xiganaya Dublamaasi hore oo katirsan Yahuuda ayaa sheegay in sanadkii 2020-ka ay kulan qarsoodi ah ay wada yeesheen Farmaajo oo xiligaasi ahaa Madaxweynaha DF, iyo R/Wasaarihii Yahuuda Benyami Netanyahu.

Kulankaan oo dhacay Bishii February ee sanadkaasi ayaa waxuu yimid ka dib markii Farmaajo uu Booqasho qarsoodi uu ku tagay magaalada Talaabiib ee ay caasimada ka dhigteen Yahuuda taasoo laga qariyay warbaahinta, waxaana kulan muddo qaatay uu la yeeshay Benjamin Netanyahu R/Wasaarihii Yahuuda.

Kulanka dhexmaray Farmaajo iyo Netanyahu ayuu wareysku sheegay in uu dalbaday Farmaajo kaasi oo u soo bandhigay R/Wasaaraha Yahuuda in DF ay doonayso in xiriir iyo cilaaqaat la yeelato Yahuuda.

Wareyska ayaa xusay in wadahadka Farmaajo iyo Netanyahu uu ku soo dhamaaday fashil iyo guuldaro sida uu xaqiijiyay Dublamaasiga Yahuudiga ah ee uu Wargeysku soo xiganayo.

Fashilka kulanka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii R/Wasaaraha Yahuuda Netanyahu u sheegay Farmaajo in Yahuuda aysan baahi u qabin xiriir ay la yeeshaan Somaliya.

Xog uu bixiyay Wargeyska ayaa lagu sheegay in Madaxweynihii Mareykanka ee xiligaasi Donald Trump uu ka biya diiday in Somaliya ay qeyb ka noqoto dowladaha ku yaalla wadamada caalamka Islaamka ee saxiixayay xiligaasi Heshiiyada lala galayo Yahuuda.

Dublamaasiga Yahuudiga ee uu soo xiganayo Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu Aamin sanaa xiliga uu kulanka la qaadanayay Farmaajo in ay Somaliya ay tahay dal Wasaqeysan oo aysan Yahuuda u baahneed in ay xiriir la yeelato.

Waa kulankii labaad oo Madaxda DF ay la qaataan Netanyahu, sanadkii 2016-kii  Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas ahaa Madaxweynaha DF ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu kaasi oo Xasan gurguurte ku raadinayay xiriir uu la yeeshay Yahuuda.

Dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo dhaweeyay Yahuuda oo sheegay in ay Doorashadiisu ay wadada u xaareyso xiriir dhexmara Yahuuda iyo DF.

Sida ay qoreen Warbaahinta Yahuuda horaantii Todobaadkaan, Xasan oo dhawaan safar uu ku tagay Imaaraatka kulamo qarsooni ah la yeeshay Yahuuda ayaa hada doonaya in Baarlamaaka DF u gudbiyo in ay ansixiyaan Xiriir DF la yeelato Yahuuda .

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta-Kulanka-Farmaajo-iyo Natanyahu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.