Maalqabeennada Africa Oo Ka Taajiray Carqaladaha Ay Sababeen Corona & Dagaalka Ukraine.(Warbixin)

Hey’adda Oxfam ee fadhigeedu yhy Magalada Nairobi ayaa weerar kulul ku qaaday maalqabenada African-ka ah ee ka ganacsado raashinka qutul daruuriga ah, kuwaas oo ay shegtay inay kor u kacday faaidadooda, wixii ka danbeeyey markii uu dilaacay caabuqa Karoona sanadki 2020ka, xilli azamo xaga cuntada ah ay ka taagan thy qaarada oo idil.

Faaidada ay laba isbuuc oo qura maal qabeenadu ka helan cuntada, ayay shegtay in hadii la keydiyo ay ku filan thy inay daboosho baahida ka jirto wadamada dhaca bariga Africa oo idil, halkaas oo ay ka jirto duruuf adag, tira koobyadana ay shegayan inay maalin kasta baahi ugu geeriyodan dad fara badan.

Oxfam oo la sheego inay thy hey’ad kheyri ah, ayaa la aas aasay sanadki 1942di, waxa ayna shegata inay ka shaqeyso sidii xad loogu yeeli lahaa faqriga ka jiro caalamka oo idil, iyadoo gurmad loo fidinayo dadka tabaleysan, hanti badana laga aruurinayo dadka maal qabenada ah, si loo dhiso kaabayasha bulshada, taas oo ay sii dhertahay sidi masharic dhaqale loogu abuuri lahaa, malayinta gaalada ah ee kudhibateysan qaarada Africa.

Maal qabenada African-ka ah ee ka ganacsado raashinka ayaa 2di sano ee lasoo dhaafay oo qura helay faaido dhan ilaa 382 billion oo dollar, taas oo ka dhigan inay faaiden hanti ka badan midii ay heli jiren wixii ka danbeyey sanadki 2000, iyagoo ka faideysanaya duruufta jirto, faafida caabuqa karoona, dagaalka ka soconaya wadanka Ukraine iyo arimo kale, waxaana xusid mudan in sicir barar laga daremayo guud ahaanba caalamka, gaar ahaana mandiqada geeska Africa, oo u nugul sameynta dhaqale iyo mida siyaasaded.

Masul u hadlay hey’ada ayaa yiri, hadii faaidada hantiilayasha meel la dhigo laba isbuuc oo qura, waxay ay ka badan thy lacagta ay guud ahaanba mandiqada ugu deeqday hey’adda QM, taas oo ah ilaa 6.2 billion oo dollar, inkastoo aan midaas xitaa si sax ah loo maamulin, ayna ka bahan yihin dadki loogu tala galay.

Taqriirka kasoo baxay hey’ada ayaa lagu shegay, in sicir barar xoogan uu waqtigan kajiro bariga qaarada Africa, halkaas oo ay ka jirto baahi weyn, tobanan million oo dad ahna ay ku gaajoonayaan, sida wadamada Sudan, Ethiopia iyo qeyba kamid ah wadanka Kenya, halka gobolada qaar ee Somaliyana aysan ka di’in roobabki la filayey, dalag beereedkana uu ahaa mid kaliita sidii looga bartay.

Gaajada iyo duruufa dhaqaale ee ka jiro dalka Ethiopia ayaa gaaray heerki ugu sareyey tan iyo marki uu qarxay dagaalki Tigray sanadki 2019ka, kaamamka qoxotiga ayayna ku sugan yihin malaayin dad ah oo kasoo barakacay guryahooda, kuwaas oo u gacan hoorsanaya hey’adaha UN-ka, shaqa la,aanta ka jirto dalka Ethiopia ayaana hada gaartay %44 sida ku xusan qoralka Oxfam.

Iyadoo ay jiran arimahan, ayay bananka usoo baxday dhibatada dhaqale ee ka dhalaty dagaalka wadanka Ukraine iyo saameynta u ku yeshay dalalka Africa, raashinka ayaa gaaray heerki ugu sareyey, gaar ahaana qamadiga, saliida, naftada iyo wixii lamid ah, mana jirto cid u istagtay wax ka qabashada arintan, maadama ay maal qabenadu guranayan faaidada hantidooda, iyagoo aan hoos u fiirineyn bulshada tabaleysan, waxa kaliya ee ay ka fikirayaana ay thy sidii ay ku samey lahaayen dhaqale fara badan.

Xog aruurin ay sameysay shabakada hey’ada ayaa lagu ogaday, in %80 maal qabenada African-ka ah ay dadal ugu jiran sidii ay ugu biiri lahaayeen liiska Billioner-da caalamka, tartanka ay ugu jiraan maqamkan ayaana kenaya inay iska ilaawan duruufta kajirto mandiqada, waxaana la oran karaa bey tiri waa dhiig miirato ka taajira jabka bulshada, kuwaas oo aan u diir naxeyn malayinta gaajada ugu dhimanaya qaarada oo idil.

Hana Saren, waa masulka xaga cuntada ee Oxfam, waxa ay ku doodeysa muhiimada ay leedahay in dowladaha Qaniga ah ay deymaha ka cafiyan dalalka Africa, si ay ugu mashqulan maareynta bulshada iyo wax ka qabashada baahida, sababtoo ah dhaqalaha ay sameyan dowladahan waxa ay ku baxda deymaha iyo faaidada ribada ah ee dulsaaran, suurta galna ma ahan inay dhibatada kasoo kabtaan, ilaa inta ay ku mashqulsan yihin bixinta deymahan, oo sii kordhaya sanadba sanadka ka danbeyo.

Marka la fiiriyo caalamka oo idil, waxaa la shega inay gaajo darani ku heyso dad gaaraya ilaa 828 million oo ruux, kuwaas oo ay xaaladooda sii cuslatay waayadan danbe, sababo la xirira dhibatada dhaqale ee caalamiga ah, faafitanka caabuqa Karoona, isbadalka cimilada iyo dagaalka Ruushka ee wadanka Ukraine, dhaman arimahan oo is biirsaday ayaana keenaya, in qeyla dhantani ay kasoo yeerto faracyada kala duwan ee ay leedahay hey’adda QM.

Marka la fiiriyo tira koobyada, malin kasto kor ayey usii kacan dadka waynayo shaqoyinka, kuwaas oo ay mesha ka bexeyso dakhligi ay heli jiran, dhibato ayaa ka taagan suuqyada oo waxaa jiro kala go,o ku yimid badecadaha sababo la xiriiro feyruska Karoona, wax soo saarkii qudhisa mushkilad kale ayaa ka taagan waayo waxaa sameyn ku yeshay isbadalka cimilada, balse arinta aan xisaabta lagu daran ee warerka Kentay ayaa ah dagaalka wadanka Ukraine, kaas oo saameyey caalamka oo idil.’

Sanadkan oo qura, ayaa la shegaya in dadka kaalmada u baahan ay kusoo biireen in ka badan 40 million oo ruux, kuwaas oo ku barakacay dagaalka wadanka Ukraine, inta badan shacabki dalkan oo kamid ah wadamada Yurub, ayaana hada ku sugan kaamam qoxooti, halka qaarkoodna ay iska dhiibeen dalal kale iyagoo an waxba heysan, bulshadi ku nooleyd barwaqada ayaana hada ah mid la daala dheceyso faqri, halka dagaalkuna uu yhy mid wali sii soconaya.

Intaas oo qura kuma eka dhibtada, ee dhanka kale waxaa jiro caafimad daro baahsan oo soo wajahday bulshada saboolka ah, maadama aysan awood u laheyn inay iibsadan talaalka caabuqa karoona iyo cudurada kale ee faafa sida Ebola, qaarada Africa ayaana ah mandiqad u nugul xanuunada faafa, mar hadii aysan ka jirin dowlado awood leh oo maareyn kara dhibatoyinkan oo kale.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Maalqabeennada Africa Oo Ka Taajiray Carqaladaha Ay Sababeen Corona & Dagaalka Ukraine.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.