Markii Ugu Horreysay Taliska ATMIS Oo Ka Hadley Guul Darradii Ay Ka Dhaxleen Ceel-Baraf.(Warbixin)

Markii ugu horraysay hoggaanka ciidamada Shisheeye ee ATMIS ayaa ka hadlay guuldarradii weyneed ee kasoo gaartay weerarkii deegaanka Ceelbaraf ee lagu laayay askarta Burundi.

Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Washington Post ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagusoo gudbiyay xogo ku saabsan qaabkii uu u dhacay weerarka iyo khasaaraha soo gaaray ciidamada Afrikaanta.

Wargeyska ayaa dhimashada ciidamada Burundi ka gaartay weerarkii dhacay labadii bishii May ee lasoo dhaafay ku sheegaya kontomeeyo isagoo aan wax sawir ah ka keenin deegaanka.

But Fiona Lortan oo ah ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa difaacday guuldarradii Burundeyska kasoo gaartay weerarkii Ceelbaraf, haweenaydan u dhalatay dalka Uganda ayaa ku cataawday in ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya jooga aysan taageeradii larabay ka haysan ‘Beesha caalamka’.

Sababta ay ujabeen ciidamada Burundi ayay ku sheegtay iyagoo aan Ceelbaraf ku haysan ciidamo Soomaali ah oo carratuur u ah islamarkaana uusan jirin wax wadashaqeyn ah oo shacabka kala dhaxaysay ciidamada.

Haweenaydan oo hadda maamusha howlgallada ATMIS ayaa ku calaancashay in ciidamadii Burundi ee Ceelbaraf ku sugnaa ay awoodi waayeen in ay dabagalaan dagaalyahannadii cagta mariyay saldhigga sababa laxiriira iyagoo aan haysan hub iyo dhaqaale ku filan.

Mas’uul American ah oo waregyska uwarramay ayaa ku eedeeyay ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya in ay ka gaabiyeen fulinta weeraro ka dhan ah Al Shabaab.

“Midowga Afrika karti umalahan in uu howlgallo abaabulan ku qaado Al Shabaab isagoo haysta in kabadan 19,000 oo askari waxayna go’aansadeen in ay isaga sugnaadaan saldhigyo amni ah” sidaas waxaa yiri sarkaal Tababare American ah oo Soomaaliya ku sugan.

ATMIS oo kaliya ma ahan kuwa dhibanayaasha la ah howlgallada Al Shabaab ee waxay qeylla dhaantu ka imaanaysaa mas’uuliyiin iyo xildhibaanno ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay aysan weeraro waaweyn ka dhicin magaalada caasimadda ah hadane dilalka qorshaysan ayaa ka dhacaya xaafadaha magaalada khatartuna waa mid heerkeedu sarreeyo.

Max’med Ibraahim Macallimuu oo ah xildhibaan baarlamaanka katirsan islamarkaana bilo ka hor ka badbaaday weerar naf hurnimo ayaa Washington Post u sheegay in isagu uu degganyahay hotel Amnigiisa si aad ah loo ilaaliyo sidaas oo ay tahay uu qabo cabsi dhanka amniga ah.

But Fiona Lortan oo hoggaamisa ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay DF-ka in aysan awoodin hanashada ammaanka dalka “ciidamada dowladda Soomaaliya ma awoodaan mana udiyaarsana in ay lawareegaan amniga dalka marka lagaaro sanadda 2024-ka xilligaas oo howlgalka KMG ah ee midowga Afrika lasoo afjarayo” ayay tiri haweenayda hoggaamisa midowga Afrika.

Al-Shabaab oo ah awood jihaadi ah ayaa maamula ku dhowaad 70% dhulka Soomaalida sida lagu sheegay warbixinta uu daabacay Wargeyska Washington Post.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Wargeyska Washington Post oo warbixin cusub ka qoray dagaalkii Ceel Baraf

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.