Maxaa Ku Hoos Duugan Shirka US Afrika Ee Uu Ku Dhawaaqa Joe Biden? (Warbixin)
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa iclaamiyay shir uu isugu keeni doono hogaamiyaasha dowladaha qaaradda Afrika, kaasoo ka dhici doona magaalada Washington, bisha December ee dhammaadka sannadkan.
Shirkan ayuu sheegay in looga wada hadli doono caqabadaha caqabadaha adag ee ka imanaya badqabka cuntada iyo isbadalka cimilada, isagoo muujiyay in kulankan uu muhiim u yahay dowladdiisa iyo shacabkiisa Mareykanka.
“Kulanku wuxuu muujin doonaa sida ay Mareykanka uga go’an tahay Afrika, wuxuuna xaqiijinayaa muhiimadda xiriirka Mareykanka iyo Afrika iyo kordhinta iskaashiga mudnaanta caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri madaxweyne Biden.
Shirka ayaa socon doona muddo 3 cisho ah oo kaliya, waxayna taasi muujineysaa in aanan caqabado taagan lagu xallineyn balse madaxda Afrika wax laga saxiixan doono, waxna loo yeerin dono. Kulanka ayaa billaabanaya 13 wuxuuna ku eg yahay 15 December.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganeysa sarkaal maamulka ka tirsan oo magaciisa qarixyay ayaa sheegtay in qorshuhu yahay in shirkaasi ay kasoo qeyb galaan 50 hogaamiye oo Afrikaan ah, lamana oga in Xassan Sheekh, madaxweynaha DF uu kamid yahay, walow Mareykanka uu muhiimadda koowaad saarayo dalalka kheyraadka badan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaan wali booqan qaaradda Afrika tan iyo markii la doortay, xilli uu safarro ku bixiyay wadamada qaaradda Yurub iyo dalalka Aasiya qaarkood, waxaana falanqeeyeyaasha Mareykanku sheegayaan in shirkan uu ahmiyad weyn u lahaan doono Mareykanka laguna beegay waqti ku habboon.
Siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhuun daloola xasaradaha dunida ayaa aaminsan in hogaamiyaasha wadamada Afrika culeys lagu saari doono heshiisyada ay la galayaan Shiinaha oo uu loollan dhaqaale oo gobolkan ah kala dhaxeeyo xukuumadda Washington.
DF ayaa kamid ah maamulada wajihi kara canaanta maadaama ay 1 milyan oo doolar ka qaadatay Shiinaha, taasoo keentay in badaha Soomaaliya ay haatan xaalufinayaan ku dhawaad 2000 oo maraakiib ah oo u badan kuwa Shiinaha, sida uu dhawaan shaaciyay Xassan Bariise oo kamid ahaa musharaxiintii madaxtinimada DF.
Sidoo kale Gen. Langley, taliyaha cusub ee ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa Jimcihii shalay ku nuuxnuuxsaday in ay sare u qaadayaan dadaalkooda ay uga hortagayaan saameynta Shiinaha iyo Ruushka ee xooga soo saaray Qaarada Afrika, arrintaasi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in sare loo qaado diblumaasiyada iyo xiriirka iskaashi oo ay laleeyihiin dalalka Afrika.
Mareykanka ayaa sheegay in shirka uu dhiira galin doono Dimuqraadiyadda Dimuqraadiyadda oo ah mabda’ diineed oo ay reer galbeedku aaminsan yihiin, sidoo kalana diiradda lagu saari doono iskaashi dhaqaale oo cusub, ammaanka, musiibooyinka, caqabadaha ku gedaaman Badqabka cuntada iyo isbaddelka cimilada.
Dr. Suldaan Maxamad Garyare oo ah falanqeeye ku nool qurbaha ayaa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay in Mareykanku uu safka hore kaga jiro dalalka uu sannadihii lasoo dhaafay saameynta ba’an ku yeeshay xanuunka Covid19, kaasoo hor istaagay afarta dariiq ee sahasha helitaanka cunnada, sida isku socodka gaadiidka, cirka, dhulka iyo badda.
Sarkaalka Mareykanka ah ee ay soo xiganayaan wakaaladaha wararka ayaa tilmaamay in dalkiisu uu muhiim u arko xiriirka uu la yeelanayo hogaamiyaasha dowladaha Afrika iyo madaxda shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, si wax looga qabto caqabadaha jira.
Dalka Mareykanka ayaa kamid ah wadamada wajahaya culeysyada la xariira haqab-beelka cuntada, wuxuu u baahi qabaa shidaa, kalluun, iyo suuq ballaaran oo uu u helo waxsoosaarkiisa Qamadiga, lamana oga natiijooyinka kasoo bixi doona shirkaas.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Maxaa Ku Hoos Duugan Shirka US Afrika Ee Uu Ku Dhawaaqay Joe Biden?