Maxamed Bin Salmaan Oo Lagu Wado Inuu Booqdo Dalka Faransiiska.(Warbixin)

Dhaxal sugaha maamulka Aala-Sucuud ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu wadaa inuu booqasho qaadan doonto muddo 2 maalmood ah uu ku tago magaalada Paris oo ah caasimadda dalka Faransiiska.

Bin Salmaan oo hadda ku sugan magaalada Athens ee dalka Giriiga ayaa lagu wadaa inuu aado Faransiiska, kadib markii uu u yeeray madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron, sida ay sheegeen ilo wareedyo diblimaasiyadeed, wuxuuna qasriga looga arrimiyo dalkaas kula kulmi doonaa Macron.

Sida ay sheegayaan ila wadeedyadaan diblimaasiyadeed Macron iyo Bin Salmaan ayaa kawada hadli doona wax soo saarka gobalka, sidii looga hortagi lahaa taxaddiyaadka soo wajahaya labada dal, amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in arrimaha ugu muhiimsan ay kawada hadli doonaan labada dhinac ay kamid yihiin dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, azmada xagga tamarta, hubka Nuclear-ka ee Iiraan, Xaaladda dalka Yeman oo wajahaya faraglin ay ku heyso xukuumadda shiicada ah ee Iiraan, taas oo dalkaas u dhoofisa hub iyo agabyo milletari oo ay ku taageereyso Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Arrimo ku saabsan doorashada dalka Lubnaan, ahmiyadda ay leeyihiin heshiiso xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha, ka hortagista in Iiraan ay kusii xoogeysato Mandiqadda, iyo xoojinta cilaaqaadka labada dhinac ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha lagu wado inay kawada hadlaan dhaxal sugaha maamulka Aala-Sucuud Maxamed Bin Salmaan iyo madaxweynaha dowladda Faransiiska.

Reer galbeedka oo juhdi ballaaran ku bixinaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen shidaalka iyo naftada Mandiqadda loogu yeero Bariga Dhexe, ayaa keeneysa in Macron uu bin Salmaan kala hadlo jaanibkaas, lana filayo inuu ka sixiixdo heshiisyo la xiriira xagga tamarta iyo wax soo saarka dalkaas.

Siyaasiyiin la hadlay wakaaladda wararka ee Jarmalka ayaa sheegaya in cilaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeysa labada daraf ay sahli doonto is fahan ku aaddan dhammaan waxyaabaha la filayo in looga hadlo kulanka lagu wado iney magaalada Paris ku yeeshaan dhaxal sugaha maamulka Aala-Sucuud iyo madaxweynaha Faransiiska ee ku caan baxay aflagaadeynta nabi Maxamed SCW.

Dadka wax indha indheeya ayaa tilmaamaya in Faransiiska uu ahmiyad gaar ah siinayo heshiiska xagga shidaalka iyo naftada, taas oo ay kawada siman yihiin dowladaha reer Yurub, kuwaas oo baadi goob ugu jira sidii ay uheli lahaayeen shidaal badiil uga noqda kan Ruushka oo ay mar sii horreysay cunaqabteymo kusoo rogeen, iyagoona hadda ka cabsi qaba inuu caalamka ka go’o shidaalka, maadaama dalal badan oo dhaca qaaradda Yurub laga soo sheegayo sara ukac ballaaran oo ku aadan jaanibkaas.

Sameynta golo istaraatiiji ah oo ay ku mideysan yihiin Sucuudiga iyo Faransiiska ayaa sidoo kale kamid ah feylalka ay kawada hadli doonaan labada daraf, taas oo looga golleeyhaay sidii loo xoojin iskaashiga labada dal, iyo dar dargalinta sharikado soo saara agabyada milletari iyo doonyo dheereeya oo si wada jir ah ay uleeyihiin Faransiiska iyo Sucuudiga.

Sharikad soo saarta agabyada milletari ee uu leeyahay Sucuudiga ayaa mar sii horreysay sheegtay iney la hir galiyay mashruuc ay si wada jir ah uga howlgalayaan sharikadda Fiijaak iiru ee Faransiisku leeyahay, iyo sharikadda Dusar ee maamulka Aala-Sucuud, kuwaas oo sameyn doono diyaarado leh noocyo kala duwan.

Sharikaddu waxay xilligaas sheegtay suurtagalnimada in mashruucaan ay ku baxdo lacag dhan 200 oo milyan oo dollar, waxaana xooggiisa la fulin doonaa billawga sannadka 2030-ka.

Mashruucaan ayaa waxaa xariga looga jaray kulan ballaaran oo ka dhacay dalka Sucuudiga, kaas oo uu goob joog ahaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, looguna magac daray kullanka maalgashiga Sucuudiga, sharikadda laga leeyahay Sucuudiga ayaana xilligaas sheegtay in ra’su maalka heshiiskaas uu yahay in Sucuudiga uu yeesho 51%, halka Faransiiskuna uu yeelanayo 49%.

Inta lagu guda jiro booqashada, aasaaska iskaashi cusub oo xagga teknolojiyada ah oo u dhexeeya Riyadh iyo Paris ayay sidoo kale ka wada hadli doonaan dhinacyada ku kulmi doono Faransiiska, tan ayuuna ahmiyad gaar ah siinayaa maamulka Aala-Sucuud, si uu udar galiyo arrimaha sirdoonka, cadaadisna u saaro dadka mucaaradka ah, taas oo ay sidoo kale uga muhiimsan tahay ka hortagga shabakaadka sirdoon ee xukuumadda shiicada ah ee Iiraan.

Booqashaan lagu wado inuu bin Salmaan ku tago Faransiiska ayaanan eheyn tii ugu horreysay, balse tii ugu dambeysay ayuu dalkaas ku tagay sannadkii 2018-ka, halkaas oo uu kusoo saxiisay illaa 19 heshiis oo dhex maray sharikadaha Faransiiska iyo Sucuudiga, waxaana qiimaha ku baxay heshiisyadaas lagu sheegay inay kor udhaafayaan 18 bilyan oo dollar.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in boqortooyada Sucuudiga ay mar sii horreysay marti galisay madax reer galbeed ah oo ay kamid yihiin madaxweynaha Faransiiska, Ra’iisal Wasaarayaasha Giriiga iyo Ingariiska, iyo Joe Biden oo isbuucii lasoo dhaafay booqasho ku gagay waddankas.

Booqashaan uu bin Salmaan ku aadayo dalka Faransiiska ayaa kusoo aadaysa maalmo un kadib markii madaxweynaha dowladda Imaaraatka Carabta ninka lagu magacaabo Maxamed Bin Zayid uu booqasho ku tagay dalka Faransiiska, isagoona la kulmay madax badan oo katirsan xukuumadda Paris, kuwaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalkaas.

Xukuumadahaan daba dhilifyada ah ee ku caan baxday la shaqeynta Yuhuudda iyo reer-galbeedka ayaa sannad waliba lacago balaayiin dollar ah ku shuba bunuugta dalka Faransiiska iyo wadamada reer Yurub, waxaana intaas usiir dheer la shaqeynnta kayaanka Suhyuuniga ah ee xoogga ku heyso dhulka muslimka ah ee Falastiin.

Madaxda ka talisa labadaan dal ayaa gabi ahaanba xaraashay dhaqaalihii muslimiinta, iyagoona beylah uga dhigay dowladaha reer galbeedka, waxaana dhaqaalaha ay bixiyaan lagu gumaadaa umadda muslimka ah, maadaama Balaayiin Dollar ay reer galbeedku ka gurtaan dalalkaan oo hodan shidaalka, taas oo ay u adeegsadaan agabyada milletari si ay ugula dagaallamaan muslimiinta.

Dadka muslimiinta ah ee ku nool guud ahaan caalamka ayaa si weyn uga war haya daba dhilifnimada maamulladaan ku habsaday dhulalka islaamka, iyagoona halkaas ka dhaqan galiya ajandayaasha iyo ojeedooyinka gurracan ee ay damacsan yihiin reer galbeedka, taas oo ay sii dheer tahay fasaadka ay ku hayaan bulshada muslimka ah, iyagoona dhulalkii barakeysnaa kusoo dhaweeyay mushrikiinta, halkaasna uga furay kaniisado ay ku baadiyeeyaan umadda kuna faafiyaan dhaqan xumadooda.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Booqashada Bin Salmaan Ee Faransiiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.