Mujaahidiinta Maali Oo Fuliyay Weerar Cusub Oo Khasaare Dhaliyay.(Warbixin)
Dalka Maali waxaa kusii xoogeysanaya weerarada jihaadiga ah ee ay fulineyso jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin, kuwaas oo lagu beegsanayo ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo askarta xukuumadda Maali.
Qeybo kamid ah waddanka waxaa laga soo sheegayaa weeraro geystay khasaarooyin kala duwan, kuwaas oo lagu qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas, iyo maleeshiyaadka clooshood ushaqeystayaasha Fangar ee ay soo taba baratay dowladda Ruushka.
Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta dalka Maali islamarkaana ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah ee ku hadasha afka jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa lagu sheegtay masuuliyadda weerardaan, kuwaas oo ay sidoo kale Mujaahidiinta kusoo forteen gaadiid ciidan iyo agabyo milletari oo lala duwan.
“Kama suulin maalmaha madow inay isku raac raacayaan ciidanka mujrimka ah ee xukuumadda Maali, iyo Murtaziqada ajaanibta Fangar ee fasaadka ku dhaya dhulka, islamarkaana dilay boqallaal dad abriyo ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta, oo ahaa mid lagu faahfaahinayay khasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay gudaha dalka Maali.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu sheegay, in Mujaahidiinta iyagoo ajiibaya baaqa dadka mustadcafiinta ee muslimiinta kamid ah qaadeen silsilado weeraro ah, oo loogu aar gudayo muslimiinta ay dhibaatada u geysteen ciidamada xukuumadda Maali iyo soo duulayaasha Murtaziqada ah.
Weerardii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday askartaan waxaa kamid ah .mid si qorsheysan loo soo agaasimay oo 28-kii bishii Dul-Xijjah ka dhacay fariisin ay ciidamada xukuumadda Maali ku leeyihiin deegaanka Kaaloombi ee gudaha waddankas.
Ciidamado aad uhubeysan oo katirsan Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa weerar ku ekeeyay salshigga ay ku sugnaayeen askarta xukuumadda, waxayna halkaas ku gaarsiiyeen khasaare kala duwan.
Deegaanka uu weerarku ka dhacay ayaa u dhexeeya magaalooyinka Naara iyo Marja, waxaana Mujaahidiinta usuura gashay inay si buuxda ula wareegaan dhammaan salshigga, askarii ku sugneydna ay u qegbsameen, kuwa ladilay, qaar caga wax ka dayay, iyo mid kamid ah ciidankaas oo isagoo nool gacanta lagu dhigay.
Mujaahidiinta waxay bayaanka ku sheegeen in weerarka lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda Maali, ayna sidoo kale gacanta kusoo dhigeen askari kamid ahaa ciidankii ku sugnaa saldhiga marti galiyay weerarkaan.
Waxaa intaas dheer oo ay ciidamada Mujaahidiinta gubeen 9 gaari oo xerada uyiillay askarta Maali, iyagoona sidoo kale ka xeystay 3 gaari oo kuwa dagaalka ah.
Hub isugu jira nuucyo kala duwan oo ay kamid ahaayeen 15 qori oo AK-47 ah, 3 qori oo PKM, ah, 2 RPG ah, 45 qasnadood oo ay raaaas ku buuxeen, iyo 48 sanduuq oo iyaguna rasaas ah ayay sidoo kale Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ka kexeysteen saldhiga.
Sawirro iyo Muuqaal kooban oo ay Mujaahidiinta baahiyeen ayaa lagu soo bandhigay hubkii iyo agabyadii kale ee melletari ee ay kusoo furteen dagaalkii ay ku qaadeen ciidamada Maali ee ku sugnaa saldhigga ku yaalla deegaanka Kaaloombi ee gudaha dalka Maali.
“Allaah Swt ayaa Mahad iska leh billaw iyo dhamaadba, waxaan allaah weydiisanaynaa inuu ikhlaas nagu arzuqo Mudada aan ku jihaadeyno jidkiisa, shahaadana noogu soo khatimo camalkeenna, muslimiintana laabahooda shaafiyo” ayaa lagu soo khatimay bayaanka ay baahisay Mu’assasada AzZallaaqah, islamarkaana kasoo baxay Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.
Weerarkaan culus ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay Mujaahidiinta Maali weerareen mid kamida saldhigyada ugu waaweyn ee kuyaalla wadanka maali, islamarkaana kaabiga ku haya madaxtooyada dalka looga arrimiyo, wuxuuna weerarkaas ku bilawday camaliyaad nafhurnimo ah, iyadoona ay xigeen rag inqimaasiyiin ah oo gudaha ugalay saldhiga, halkaasna ku gumaaday ciidamadii xukuumadda Maali.
Halkaan Ka Dhageyso Barbixin Mujaahidiinta Dalka Maali Oo Fuliyay Weerar Cusub.