Prof Yaxye Caamir: Tobankii Sano Ee Lasoo Dhaafay DF Waxaa Ku Jiray Wasiirro Qowmuluud Ah”
Prof. Yaxya Sh/Caamir oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ku nool magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in tobankii sannadood ee lasoo dhaafay ay DF kamid ahaayeen Wasiirro qowmuluud ah.
Wuxuu sheegay in ay yihiin dad la garanayo marka la joogo dowladda dhexdeeda, wuxuuna ka digay in mar kale kuwaas lagu soo daro golaha wasiirada cusub.
Yaxya ma uusan sii faahfaahin noocyada wasiirada qowmuluudka ah, ma rag iyo dumar ayay ka kooban yihiin, mise waa rag oo kaliya? wuxuu sheegay in ay jiraan hey’ado iyo ururo gadaal kasoo riixaya qolyahan.
Isagoo ka qeyb galaya barnaamij ay qabatay warbaahinta Goobjoog ayuu hadalkan si cad u sheegay, wariyihii ayaa yiri’ “annaga xogtaas ma heyno” markaas ayuu ku yiri: “waad ogtihiin…” Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa horey u sheegay in Soomaaliya ay horumar ku gaari karno in raggu is guursadaan.
Dhawaan khudbad uu jeediyay ra’iisulwasaaraha cusub ee DF, Xamsa Cabdi Barre, wuxuu ku sheegay in Soomaalidu caqligoodu fooraro, isagoo soo qaatay aayad uu Allaah ku sheegay sida uu u halaago dadkii qowmu-luudka ahaa.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu soo noq-noqday musiibooyin kala duwan, wax la baciidsadana ma ahan in ciqaab Alle uu gayigan ku habsado haddiiba ay kuwa u talinayo ummadda kamid yihiin kuwa ku dhaqma ficilkii lagu halaagay reer Qowmu-luud.