Qarax Lagu Dilay Askar Katirsan DF Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.
Qarax xooggan ayaa maanta lala beegsaday askari katirsan ciidan uu Mareykanka soo tababaray kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lala eegtay askar ku lu geynaysay deeganka Weydow ee duleedka Muqdusho, 5 askari oo uu sarkaal ku jiro ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday.
Inta la xaqiijiyay 3 askari oo katirsan ciidanka DF oo si gaar ah Mareykanka u hoostaga ayaa Ku nafwaayay qaraxa Halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askarta dhaawacmay uu Ku jiro sarkaal 1 xidigle ah oo magaciisa lagu sheegay Aadan Baaruud.
Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarxaan lagu naafeeyay askarta DF ee ka dhacay duleedka Xamar.