Q,Midoobey Oo Walaac Daran Ka Muujisay Awoodda Mujaahidiinta Al-Qaacida Ee Daafaha Caalamka.(Warbixin)

Waxa loogu yeero Q.midoobay ayaa markale walaac daran ka muujisay awoodda sii kordhaysa ee uu lasoo baxay Tandiimka qaacidatul jihaad ee hurinaya jihaadka ka holcaya daafaha caalamka.

Warbixin cusub oo kasoo baxday Q.midoobay ayaa lagu sheegay in alqaacidda ay wali abaabul kawaddo dalka Afghanistan, ayna sare usii qaadayso awoodeeda, warbixintan oo kasoo baxday guddiga qaabilsan dabagalka waxa loogu yeero argagaxisada, ayaa lagu sheegay in isku xirka ka dhaxeeya alqaacidda iyo imaarada islaamiga ah uu yahay mid aad usarreeya, ayna leeyihiin iskaashi dhan walba ah.

Taqriirkan wuxuu sheegay in faracyada alqaacidda ee waqooyiga iyo bariga afrika ay yihiin awood weyn oo taxaddi ku hayso dowladaha mandiqadda ee taabacsan reergalbeedka.

Dr aymen aldawaahiri amiirka qaacidatul jihaad ayay warbixintu sheegaysaa in uu si firfircoon umaamulayo jihaadka caalamiga ah, arrinkan oo khilaafsan ishaacaad been ahaa oo sanaddii lasoo dhaafay ay ka faafiyeen amiirka, kalimado isdaba joog ah ayuu bilihii lasoo dhaafay soo diray, isagoo ku boorinaya muslimiinta caalamka in ay kaalintooda difaaca diinta kasoo dhalaalaan, ayna usacyiyaan sidii shareecada islaamka loogu dhaqmi lahaa.

Q.midoobay waxay sheegaysaa in amiirka Taliban uu wali gacanta ku hayo dhowr jamaaco oo jihaadi ah, kuwaas oo dagaal kula jira Mareykanka iyo xukaamta dawaaqiidda ee mandiqadda bartamaha Aasiya kajira.

“Hoggaanka alqaacidda kaalin weyn oo dhanka latalinta ah ayay ku laleeyihiin Taliban, walina jamaacaad kale oo jihaadi ah ayaa Taliban lajoogo”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sanadii 2020 kooxda lasocodka cunaqabateymaha UN-ka ayaa taqriir ku sheegtay, in hoggaanka Taliban ay hoggaanka alqaacidda ka talagelinayeen dhammaan qodobadii ay ku saxiixayeen heshiiskii dooxa ee horseeday in ciidanka American-ka ay isaga baxaan afghanistan.

Waxa loogu yeero q.midoobay waxay caddeymaheeda muujinaya xiriirka ka dhaxeeya taliban iyo alqaacidda ku xoojisay, in dagaalyahannadii lagu aas-aasay  faraca alqaacidada ee qaarad u ekaha hindiya ay isugu jireen rag muhaajiriin alqaacidda katirsan iyo rag kamid ahaa guutooyinka dagaalka Taliban, taas oo ka dhigan in ansaar iyo muhaajiriin ay ugurmadeen walaalahooda muslimiinta hindiya ee gummeysiga lakulmaya, waxaana ciidamadan diray Taliban iyo alqaacidda.

Alqaacidada bartamaha aasiya waxaa saldhig weyn u ah baa layiri dalka afghanistan oo markii cadowga laga xoreeyay noqday meel laga huriyo jihaadka caalamiga ah, warbixintan waxaa lagu sheegay in hoggaamiyaal alqaacidda katirsan iyo dagaalyahanno firfircoon ay ku suganyihiin kuna tababartaan koonfurta iyo bariga afghanistan halkaas oo waligoodba ay ku lahaayeen joogitaan taraiikhi ah.

Sidoo kale alqaacidda ayaa lafilayaa in ay ujiheystaan galbeedka wadanka gaar ahaan gobollada hiraat iyo Faraah, mid kamida dowladaha mandiqadda ayaa lagasoo xigtay in alqaacidda ay awood dhaqaale ku yeelatay afghanistan ayna bilaawday qorashada dagaalyahanno hor leh si ay uhuriso jihaadka caalamiga ah.

Arrinta cusub ayaa ah in waqooyiga afghanistan oo xilligii gummeysiga ay gacanta ku hayeen dagaal oogayaal mujrimiin ah oo american-ka ucaynsan hadda lagu arkayo boqolaal dagaalyahanno alqaacida katirsan, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada kala duwan ee imaarada islaamiga ah.

Inkastoo cidamada mujaahidiintu aysan kala saarneyn oo ay isku mid yihiin, hadane shisheeyaha ayaa sheegaya in kawaadir muhiim ah oo katirsan imaarada islaamiga ay yihiin xubno katirsan tandiimka qaacidatul jihaad.

Jamaacaad jihaadi ah oo beyco kula jira alqaaidda ayaa ku hoos nool imaarada islaamiga ah, waxayna ka faa’iidaysanayaan furashadii weyneed ee dhacday sanaddii lasoo dhaafay, afghanistan ayay ka dhiganayaan goob ay iska abaabulaan.

Ciiddii lasoo dhaafay sheykh cabdul xaq alturkistaan iyo dagaalyahanno taabacsan ayaa ku dabaaldegay afghanistan, cabdulxaq wuxuu hoggaamiyaa jamaaco jihaadi ah oo udagaallanta sidii ay muslimiinta turkistan shiinaha uga xoroobi lahaayeen.

Wasaaradda maaliyada mareykanka ayaa aaminsan in cabdulxaq uu xubin muhiim ah ka yahay golaha shuurada ee guddiga fulinta alqaacidda.

Taqriirka UN-ka waxaa lagu muujiyay in xaaladda alqaacidda ay aad uga wanaagsantahay sidii ay aheyd 10-kii sano ee lasoo dhaafay, reergalbeedka ayaa aaminsan in alqaacidd ay hadda tahay midda kaliya ee tahdiidka ku haysa amnigooda.

Warbixinta kasoo baxday Q,midoobay ayaa lagusoo gunaanaday in furashadii weyneed ee afghanistan ka dhacday ay guul unoqtay alqaacidda iyo dhammaan xulufadeeda jihaadiga ah, ayna isku tirtisiinayaan calool adeyg ay kala hortagaan cadowgooda si ay guusha uhantaan si lamid ah Taliban.

Dr aymen aldawaahiri ayaa kalimad uu jeediyay todobaad ka hor wuxuu muslimiinta ku bogaadiyay in ay sare uqaadaan faafinta dacwada islaamka.

Reergalbeedka iyo hey’adahooda ayaa aad uga xun horumarrada dhanka diinta ee Afganistaan ka jira mana awoodaan iney wax ka qabtaan, laakin waxay caradooda kasoo muujinayaan afafkooda, balse waxa laabahooda ku qarsoon ayaa ka weyn oo xumaan iyo xaasidnimo ah, waxaana loogu jawaabay caradiina la dhinta.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Walaaca Reer Galbeedka Ee Awoodda Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.