Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson Oo Iska Casilay.

Kadib culeyso badan oo uu maalmahaan wajahayay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ingariiska ninka lagu magacaabo Boris Johnson’s ayuu ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu hayay.

Xilka uu iska casilay Boris Johnson’s ayaa ah hogaaminta xisbiga Conservative -ka, isagoona sii heyn doono xilka Ra’iisal Wasaaranimada dalka illaa laga gaarayo xilliga deyrta ee nagu wajahan sida ay sheegtay warbaahinta Ingiriiska.

Baarlamaanka dalka Ingariiska ayaa yeeshay kulan deg deg ah, iyagoona ka arrinsanaya sidii loosii wadi lahaa shaqada xisbiga haya talada waddankas ee conservative -ka.

Is casilaadda Ra’iisal Wasaaraha ayaa la hadal hayay maalmahaan oo idil, waxayna kusoo aadeysaa kadib fashil is daba joog ah oo ay wajahaysay xukuumadda Boris Johnson.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.