Sawirro: Diyaarad Ku Gubatay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqidisho.

Shil diyaaradeed ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdsho, waxaa mar qura laga war helay qiiq iyo uuro is heysta oo ka baxaya diyaarad markaas uun soo degtay.

Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Jubba ayaa la sheegayaa iney kasoo kicitintay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, ayna siday rakaab gaaraya 33 ruux. Ma jiro qof ku dhintay shilka marka laga reebo shaqsiyaad dhaawacmay sida laga soo xigtay maamulka Koofurgalbeed.

Lama xaqiijin illaa iyo hadda sababta shilka diyaaradda iyo waxa u sababta ah inuu dabkani ka koco, waxaa garoonka lagu arkayaa qalfoofta qeybo kamid ah haraadigii diyaaradda oo gubtay.

Shilalka diyaaradaha ayaa ku badan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, dadka qaar ayaa qaba shaki ah in shirkadaha kale ee ajnabiga ay ku lug lahaan karaan gubashada diyaaraddan.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa duulimaadyo ka sameeya diyaarado ay leeyihiin dalalka Itoobiya, Kenya iyo Tirkiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.