Sawirro+Wareysi: Al-Shabaab oo Gacanta Ku Dhigay Doon Qaad Ka Qaaday Kisaamyo.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka islaamiga ah ee degmada Jamaame ayaa gacanta ku dhigay doon iyo naakhuudihii waday, taasoo loo soo bandhigay saxaafadda.
Doonta ayaa la qabtay markii ay kasoo laabatay magaalada Muqdisho oo ay geysay qaad ay kasoo qaaday magaaalada Kismaayo.
Naakhuudaha doonta wuxuu sheegay in qaadku uu ahaa kan Kenya islamarkaana uu daabuliddiisa ku qaatay lacag dhan 200$.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Kenya ay maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho qaadka uga soo dajisay, waxaana muuqanaya in ay dooneyso in Soomaaliya ay ku baahiso maandooriyahaas, iyadoo bad iyo barriba adeegsanaysa.
Wilaayaadka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Al-Shabaab, waa ka mamnuuc qaadka, qofkii lagu arkana maxkamadda shareecada ayaa la hor geeyaa.
HALKAN KA DEGSO WAREYSIGA NAAKHUUDAHA DOONTA
HOOS KA EEG SAWIRRADA