Sawirrro: Gudoomiyaha Hiiraan oo Mar Kale La Kulmay Dhabbagal Khasaare Dhaliyay.
Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar jid gal ah oo maanta duleedka degmada Matabaan ku qabsaday gudoomiyaha Hiiraan ee maamulka Hirshabelle, Cali Jayte Cusmaan.
Sida aan xogta ku helnay, Cali Jeyte iyo kolonyo uu watay ayaa waxaa dhabbaha u galay ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab, waxaana kasoo gaaray khasaare kala duwan.
Kolonyada oo kasoo ambabaxday dhanka degmada Matabaan kuna sii jeeday deegaan lagu magacaabo Qabno oo isla duleedka Matabaan dhaca ayaa waxaa lala beegsaday qaraxyo, kadibna waxaa xigay dagaal toos ah oo lagu qaaday.
Gudoomiyaha Hiiraan iyo ciidamadiisii ayaa goobta uga cararay meydadka 3 askari iyo hubkii ay wateen, ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Jeyte uu si dirqi ah ku badbaaday, waana markii labaad muddo todobo cisho gudahood ah.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay in ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa kolonyada taasina ay u suura galisay iney usii diyaar garoobaan.
Kolonyadii weerarka lagu ekeeyay ayaa dib ugu laabatay Matabaan. Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale weeraro kala beegsaday isla kolonyadan oo xilligaasi kasoo ambabaxday magaalada Baladweyne.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA