Sh/Nuur Macallin C/raxmaan oo Ku Geeriyooday Bu’aale.

” إنا لله وإنا إليه راجعون “

Alle ha u naxariisto’e, waxaa galabta magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka ku geeriyooday Sh/Nuur Macallin Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn.

Sheekha ayaa muddo labo usbuuc ah la xanuunsanayay cudurka macaanka sida ay Al-furqaan u sheegtay walaashiis Jamiilo, waxaana uu maanta ku geeriyooday isbitalka guud ee magaalada Bu’aale oo xanuunkiisa lagula tacaalayay kadib markii uu cadaadisku ku kacay.

Eehlada iyo dadkii la joogay waxay sheegeen inuu wacdinayay wax yar ka hor geeridiisa, dadkana u fasirayay suuratul-casri, isagoo si gaar ah ugula dardaarmayay afarta shey ee ay suuraddu sheegeyso oo kala ah Iimaan, Camal saalix ah, xaqa oo la is faro iyo samirka.

Sheekha ayaa maalmihii uu xanuunsanaa intooda badan masjidka ka akhrinayay duruusta, wuxuu ahaa nin xaqa la jahra, wuxuu kor u dhaafay da’da 70-ka sano, waxaa jiray darsi uu habeen walba ku lahaa barnaamijka Dhuuxa wareysiyada ee ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan oo la yiraahdo (Dhuux Qur’aanka oo Ku dhaqan).

Alle ha u naxariisto Sheekha, taariikhdiisa iyo macluumaadyo kale oo ku saabsan mawaaqiftiisii ugu waaweynaa, dib ayaan idiinkaga soo gudbineynaa insha’allah.

Kusoo Biir Channelka Al-furqaan Ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.