Sheekh Xasan Daahir: “Sh/Nuur Wuxuu Igu Yiri Marki La I Xiray Ha Is Dhiibin Halkii Axmad Bin Xambal Ayaad Joogtaa” (Daawo)
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ay saaxiibo ahaayeen Sheekh Nuur Mucallim Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Sheekha.
Wuxuu sheegay in Sheekhu ahaa nin aad ugu dadaala sidii dadka looga badbaadin lagaa jahliga islamarkaana fiqhi iyo faham sarreeya.
Wuxuu sheegay in markii la xiray kadib uu lasoo xiriiray una ku yiri “ha is dhiibin maanta waxaad joogtaa booskii Axmad Bin Xambal” intaasi kadib, waa uu ilmeeyay Sh/Xassan Daahir Aweys.
Alle ha u naxariistee Sh/Nuur Macallin Cabdiraxmaan ayaa dorraad ku geeriyooday meel u dhow magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka.