Toogasho Khasaare Sababtay Oo Markale Ka Dhacay Dalka Mareykanka.
Ku dhawaad 10 ruux oo Ameerikaan ah ayaa dhimmsho iyo dhaawac ku noqday toogasho cusub oo markale ka dhacay gudaha dalka Mareykanka.
Shabakada ABC NEWS oo soo xiganaysa laamaha amaanka ee dalkaas ayaa ku warantay in weeerar toogasho ah oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu saacadihii la soo dhaafay dhacay gobolka Washington ee dalka Mareykanka.
Bayaan ka soo baxay waaxda booliska ee gobalka Washington ayaa lagu xaqiijiyay in ugu yaraan 1 ruux uu ku dhintay 5 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho si gaar ah kaga dhacday goob dad badan ay ku sugnaayeen oo ku taalla xaafadda Renton ee magaalada Seattle ee gobolkaas.
Sida lagu sheegay bayaanka toogashada ayaa timid kagadaal markii uu muran soo la dhaxgalay dad hubeysan oo halkaas ku sugnaa, taas oo sababay in rasaas la isweydaarsado. Waxaana intaas lagu daray in ciidanka Booliska ay ku raad joogaan dad la tuhunsan yahay oo goobta ka baxsaday toogashda kadib.