Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Oo Ku Dhintay Dalka Jarmalka.
Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday dalka Jarmalka, sida uu sheegay madaxweynaha Jabbaland Axmed Maxamed.
Maxamed Darwiish ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay xanuun daran oo haleelay, iyadoo waayihii dambe xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo ugu danbeyn ugu dhintay xanuunkii haayey.
Hogaamiyaha maamulka Jubbaland oo war qoraal ah oo soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiirka, asigoona walaac xooggan ka ka muujiyay dhimashada ku timid ninkaan katirsanaa golihiisa wariirada.
Maxamed Warsame Darwiish ayaa caan ku ahaa la shaqeynta shisheeyaha dalka ku soo duulay gaar ahaan dowladda Xabashda Itoobiya, waxaana la xasuustaa sidii uu magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay ciidamada Itoobiya ee kol hore halkaas duulaanka ku qabsaday.
“Ciidamada AMISOM ee Itoobiya waxaanu leenahay gurigiinii labaad kusoo dhawaada” sidaasi waxaa ku hadaaqay Darwiish oo xiligaas si weyn ugu faraxsanaa imaanshiyaha ciidanka Xabashida Itoobiya ee magaalada Kismaayo.