Wasiirrada Arrimaha Dibadda Mareykanka & Ruushka Oo Wadahadal Taleefanka Ah Yeelanaya.(Warbixin)
Markii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyay duullaankii uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, dowladda Mareykanka ayaa sheegeysa inay ladli doonto wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, xilli xumuumadda Moscow ay ka digtay talaabooyinka reer galbeedka ee horseedi kara, inuu cirka isku sii shareero khilaafka hadda taagan ee u dhexeeya dhinacyada ku hardamaya dalka Ukraine.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington Anthony Blinken ayaa shaaca ka qaaday, in maanta oo Arbaco ah uu si dhaqsi ah ula hadli doono dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, kaas oo uu kala hadli doono feylal ku saabsan dagaalka ka holcaya dalka Ukraine, iyo arrimo kale.
Shir jiraa’id oo uu xaruntiisa ku qabtay Anthony Blinken oo ah xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka ayuu ku sheegay, in uu wadahadalka ku koobayo waxyaabaha mudnaanta leh, oo ay kamid yihiin sii deynta maxaabiista American-ka ah ee ku jira gacanta xukuumadda Moscow, wuxuuna xusay in wadahadalka uusan ku koobneyn oo kaliya arrimaha dalka Ukrine.
Bilnken oo qadka taleefanka kula hadli doono dhigiisa Ruushka ayaa carrabka ku adkeeyay, in uu Lavrov ku cadaadin doono ka jawaabidda dalab ay xukuumadda Washington miiska u saartay todobaadyo ka hor, si loo fududeeyo sii deynta laba maxbuus oo American ah oo ku xiran caasimadda Ruushka ee Moscow, kuwaas oo ahaa calooshood u shaqeystayaal ka bar bar dagaallamayay ciidaamda Ukraine.
Xoghayaha arriamaha dibadda ee Mareykanka waxa uu xusay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku guul daraystay duullaanka kuu ku qaaday dalka Ukraine islamarkaana uu qabsado dalkaas, iyo in aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka uu wado is beddelo been abuurka ah, si uu mar marsiiyo ugu sii helo duullaankiisa dalka Ukraine, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Xukuumadda Washington ayaa wali ku taagan mowqifkeedii ku aaddanaa duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine, waxaana iyadoo hadda dooneysa iney la hadasho wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ay sidoo kale ku adkeyneysaa, in cunaqateymaha uu Mareykanka iyo isbahaysiga NATO ay kusoo rogeen xukuumadda Washington ay saameyn daran ku yeesheen Ruushka, NATO-na ay hadda ka awood badan badan tahay sidii ay aheyd, xukuumadda Ukraina ay wali tahay dowlad madax bannaan oo aan marnaba la qabsan karin.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay soo afjaridda xanibaadda saaran dekadda Odessa, Ruushkuna uu ogolaado dhoofinta maraakiibta sida dalagyada Ukraine, isagoona rajo beel ka muujiyay ogalaanshaha Ruushka ee ku aaddan inuu galo wada xaajood lagu soo afjarayo dagaalka uu ku hayo Ukraine.
Ruushka dhankiisa waxuu taqliiq ka bixiyay hadallada kasoo yeeray xogahaya arriamaha dibadda ee Mareykanka, waxaana sarkaal katirsan xukuumadda Moscow oo la hadlay warbaahinta uu sheegay, in xukuumaddiisa aysan wax cusub ka sugeynin wada hadalka la filayo inuu dhex maro xogahaya arrimaha dibadda ee Ruushka iyo dhigiisa Mareykanka.
Moscow waxay ku adkeysaneysaa duullaankeeda dalka Ukraine, diyaarna uma ahan inay gasho wax wada xaajood ah oo ku saabsan soo afjaridda colaadda ka taagan bariga qaaradda Yurub, taas oo sababtay azmad dhaqaale oo saameyn ku yeelatay guud ahaanba caalamka.
Hadalka uu ka dhawaajiyay sarkaalkaan katirsan Ruushka waxaa sii xoojinaya, bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, kaas oo ay baahisay wakaaladda wararka ee dalkaas, waxaaana bayaanka lagu sheegay in taba bariidda ciidamada Ukraine, iyo hubka faraha badan ee lasoo marsiinayo wadamada reer Yurub ay horseedi doonaan, sii hurinta colaadda hadda ka dhex taagan xukuumadda Moscow iyo wadamada reer galbeedka.
Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka oo u muuqday mid lagu cadeynayo, in wadalka la filayo inuu dhex maro wasiirrada arriamaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka aysan waxna kasoo naasa cadaad doonin, ayaa sidoo kale lagu riday farriin hanjabaad ah, taas oo ah in haddii ay Kyiv Ruushka u isticmaasho gantaalada Mareykanka ama hubka NATO, ay ka dhalan doonto cawaaqib aad u daran.
Dhanka kale waxaa halkooda kasii socda dadaallada ay xukuumadda Moscow ugu xusul duubeyso sidii ay saameyn ballaaran ugu yeelan laheyd qaaradda Africa, waxaana wasiirka arriamaha dibadda ee Ruushka uu socdaal ku marayaa wadamo dhaca qaaradda Africa.
Lavrov oo hadda ku sugan Magaalada Adis Aaba oo ah caasimadda Itoobiya, ayaa soo saaray baaq ku wajahan dalalka soo koraya gaar ahaanna kuwa Afrikaanka ah, kaas oo ah in aanay taageerin adduun uu Maraykanku xukumo, isagoona uga digey in Mareykanka uu kala dul dhici doono carada uu kasoo qaado duullaanka Ukraine.
“Annaga ayaa go’aan ka gaaraya haddii aan rabno adduun ay reer galbeedku si buuxda uga dambeeyaan Mareykanka, taas oo xaq u leh inay go’aan ka gaarto goorta iyo sida ay u horumarinayso masaalixdeeda gaarka ah, iyada oo aan la ixtiraamin shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri Lavrov.
Xoghayaha arriamaha dibadda ee Ruushka ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la hadlay diblimaasiyiin badankod kasoo jeeda qaaradda Africa oo ku sugnaa saafaradda ay Moscow ku leedahay Adis Ababa, halkaas oo la filayo inuu kusoo gaba gabeeyo booqasho uu kusoo maray wadamo dhaca qaaraddaan oo ay kamid yihiin Masar, Congo-Brazzaville iyo Uganda.
Booqashada uu ku joogo Addis Ababa oo ah xarunta Midowga Afrika, islamarkaana qaadatay 20 saacadood, ayuu kula kulmay dhiggiisa Itoobiya oo sidoo kale ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalkaas, Balse si rasmi ah ulama uusan kulmin mas’uul ka tirsan Midowga Afrika, sababo la xiriira ajandayaasha iska soo horjeeda.
Waxa uu reer galbeedka ku eedeeyay in markii hore ay aasaaseen nidaam iyo mabaadi’ cayiman oo kulan saneysa arrimaha dhaqaalaha, madax banaadida dowlaha caalamka, inaan lagu xad gudbin hantida gaarka ah, dhammaan mabaabi’idaas oo ay iska indho tareen Mareykanka iyo reer Yurub, ka gadaal markii uu Ruushku qaaday duullaankiisa ka dhanka ah Ukraine, cunaqateynna ay kusoo rogeen xukuumadda Moscow.
Isagoo aad u dhaleeceynayay siyaasadaha reer Yurub iyo Qaramada Midoobey ayuu sidoo kale carabka ku dhiftay, in caalamkaan uu ku socodo ballamaha Q.midoobey, laguna maamulo shuruuc caga jugleyn ah, oo cidiidii ay ka awood badiyaanan ay ugu hanjabaan dil iyo xarig, taas oo uu sheegay iney marnaba dhici doonin.
Dadka la socda siyaasadda ayaa sheegaya, in wadalka la filayo inuu dhexmaro xogahaya arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo dhigiisa Ruushka aysan waxba soo kordhin doonin, Maadama aysan horay u jirin siyaasad ku aaddan wada xaajood laga yeesho colaadda Ukraine taas oo aan hadda muuqan, ujeedka Mareykanka ayayna ku tilmaameen oo kaliya, sidii uu usoo furan lahaa maxaabiis kaga jirta gacanta Ruushka, dagaalkana uu yahay mid billaw ah oo aan laga qabin rajo ah inuu joogsado.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Warrirrada arrimaha dibadda Mareykanka iyo Ruushka.